TOOS ULA XIRIIR DHAQAATIIRTA TELEFOONKA +16468272744 AMA +16314883563

VIBER +16468272744 AMA +447441954777
WHATSAPP +16468272744 AMA+447441954777
WAXAA KALE OO LOO ADEEGSAN KARAA WICITAANKA TOOSKA EE DHAQAATIIRTA


WAAD MAHAD SAN TIHIIN

WAXAAD SI TOOS AH NAGA LA SOO XIRIIRI KARTAAN TELKA +16468272744 AMA +16314883563

WHATSAPP WAA
+16468272744 AMA

+447441954777

WAAD MAHAD SAN TIHIIN

VIBER KU WAA +16468272744 +447441954777 XIRIIRKA TOOSKA WAA +16468272744 +16314883563

+16468272744 AMA +447441954777 MAHAD SANIDIIN

WAXAAD NAGA HELEYSAAN WhatsApp NUMBERKA AH +447441954777

WhatsApp KU WAA +447441954777

AMA +16468272744

HADDII WICITAAN KA MAREYKANKA FREE KUU YAHAY AMA AAD ADEEGSATO VIBER KA

WAXA AAD NA GA LA SOO XIRIIRI KARTAA TEL KA AH +16468272744 ISLA NUMBER KAN AYAAD ADEEGSAN KARTAA HADDII AAD ISTICMAASHO VIBER

WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA ADEEGSO VIBER NUMBER +16468272744

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya fariin qoraal ah emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@doctor.com nalasooxiriir@consultant.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH +16468272744 AMA KAN KALE EE AH +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

Wednesday 1 February 2012

Qaar kamida xanuunada indhaha ku dhaca

waxaan halkaan ku qeexaynaa qaar
kamida xanuunada iyo cudurada ku dhaca
indhaha inshaa allaah. Gulukooma waa
cudur indhaha ku dhaca
oo keeni kara indho-la’aan ama lumis
arag. Marka uu kugu dhaco gulukooma, dheecaan ayaa buuxsama isha, taa soo
cadaadis saarta xagga dambe ee isha.
Cadaadis kaasi waxa uu dhaawac u
geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve)
waxana uu sababaa lumis aragga ah.
Badanaa marka hore waxaa wax yeelo soo gaartaa aragga dhinacyada, taa soo
ay ku xigto aragga xagga hore. Noocyada
Gulukooma Laba nooc ee ugu weyn
gulukooma waa:
1: Gulukooma xagal furan (open-angle
glaucoma) badanaa ma laha calaamado ilaa ay ka
gaarayso heer fog. Si tartiib ah
ayuu cadaadisku waxyeelo u gaarsiiyaa
dareemaha iftiinka mudo dheer ka dib.
Taasi waxay saameysaa labada
indhood ba laakiin waxa laga yaabaa inaad marka hore calaamado ku aragtid
hal il kaliya.
2: Gulukooma xagal xiran (angle-closure
glaucoma) waxay leedahay cadaadiska oo
si dhakhso ah sare ugu kaca iyo
calaamado si dhakhso ah u yimaada. Lumid aragga oo joogto ah ayaa ku dhici
karta qofka maalin gudaheed.
sidaa daraadeed waxaa muhiim ah inaad
hesho dawweyn deg deg ah . Xaaladaha
Halista ah.
Waxa aad halis u tahay inaad yeelatid gulukooma haddii uu jiro.
1: qof ka tirsan qoyskaaga oo qaba
gulukooma.
2: cudurka sonkor ama sonkorow ama
kaadi macaan haddii uu kugu dhacay,
3: cudurka dhiig-karka haddii uu kugu dhaco ama cadaadis ka dhiigaagu uu
noqdo mid sareeya,
4: haddii aad qabto cudurada wadnaha 5:
ama shaqo yari ku timaada qanjirka
qoorta (hypothyroidism)
6: Haddii dhaawac isha kaaga dhacay, 7: haddii laguugu sameeyay qalitaanada
indhaha qaarkood
8: haddii aad qabto barar indho oo mudo
dheer jiray
Haddii aad Qaadanaysay (steroids) muddo
dheer 9: haddii da’daada ka weyn tahay 60
sano.
Calaamadaha Gulukoomada waxa laga
yaabaa in ay san yeelan wax calaamado
ah ilaa ay ka imaanayso lumidda aragga
Calaamadaha kale ee cudurkaan aad ku arki kartid waxa ka mid ah:
1: Aragtida oo isku darsanta
2: iftiin ku wareegsan wax iftiimaya
(Halos)
3: Lumidda aragga dhinacyada
(peripheral vision) ka 4: Arag si weyn u dhuuban (Tunnel vision)
5: Indhaha oo casaada qofka
6: Xanuun indhaha ah oo daran
7: Lallabo iyo matag
LUMISTA ARAGA (VISION LOSS)
Calaamadaha ugu tirada badan ee lagu yaqaano lumista aragga waa aragga oo si
joogto ah u yaraada, iyadoo waxyaaba ha
fog ka la garasha doodu dhib sii
noqoto. Hase yeeshee, waxa jiri karaan
calaamado kala duwan oo ay leedahay
lumidda araggu oo aan ahayn yaraanta aragga. Tusaale ahaan:
1: Guluukoomada (glaucoma)
wax yeela deedu hooseyso waxay keeni
kartaa xanuun aan badnayn, arag
ceeryaamo ku jirto iyo wareegyo ama
goobo leh midabka qaanso roobaadka oo lagu arko dhinac yada wixii iftiin leh. 2:
Bur bur goobeed (macular degeneration)
ayaa keeni kara arag khaldan;
xariijimaha toosan waxa la moodaa inay
qaloocaan isla markaana ashyaada waxa
la moodaa inay ka weyn yihiin ama ka yar yihiin inta dhabtii ay yihiin.
3:Caadka indhaha fuula (cataracts) waxa
uu keeni karaa aragti isku darsan,
midabada oo aad moodid in ay khafiifeen
iyo iftiinka xoogga leh oo bir birqa.
4: Ciladda isha qalalani waxay keentaa gubasho, iyo dareen xajiin ah oo indhaha
laga dareemo.
5: Sonkorta xuubka dambe ee ishu
(diabetic retinopathy) waxay keentaa
aragga oo laba noqda iyo arag meel ku-
duwidda oo dhib noqota. Calaamadaha lumista araggu waxay si
weyn ugu xiran yahay sababta keentay.
In aragtida lunto.
Xaaladaha qaarkood waxay si degdeg ah
u keeni karaan lumid arag, halka qaar
kalena ay si tartiib ah u keeni karaan burbur ku dhaca aragga.
DHIBAATOOYINKA ARAGGA ( EYE
PROBLEMS)
Ishu waxay ka sameysan tahay saddex
qaybood.
1: Qaybta cad iyo lensiska oo iftiinka ku duwa xagga hore ee isha,
2: Xuubka dambe (retina), oo ah xuub
iftiinka dareema oo ku yaalla xagga
dambe ee isha,
3: dareemeyaasha aragga (optic nerves),
oo ah tiro badan oo ah xarko isgaarsiin oo taga maskaxda.
Dad badan ayaa leh dhibaatooyin aragga
ah oo u baahan inay gashadaan
muraayadaha indhaha ama lensiska
indhaha (contact lenses). Saddex
dhibaato oo'ah aragga ahna kuwa ugu tirada badani waa:
1: Fogaan arag Magaca loo yaqaanana
fogaan aragga waa ‘hypermetropia’.
Dadka leh fogaan aragga waxa dhib ku
ah aragga waxyaabaha u dhaw. Sababta
taa keenaysaa waxa weeye kubbadda isha oo aad u gaaban, taasoo keenaysa in
falaaraha iftiinka ee ku wareegsan
ashyaada ay gaaran xagga dambe ee
xuubka dambe (retina) ka hor intaan
qaybta cad (cornea) iyo lensisku qaloocin
falaaraha iftiinka. Fogaan araggu waxa uu badanaa sii xumaadaa marka aad sii
gabowdid, waxa kale oo uu saameyn
karaa habka aad u aragtid ashyaada
fogfog. Dadka leh fogaan arag waxay
badanaa u baahan yihiin inay xirtaan
muraayado sixid arag sida muraayadaha indhaha ama lensiska
indhaha si ay wax u akhriyaan, u qoraan
una qabtaan hawlo faahfaahsan.
Dhawaan arag Magaca loo yaqaanana
dhawaan aragga waa ‘myopia’. Dadka
qaba dhawaan aragga waxa dhib ku ah aragga waxyaabaha ka fogfog sababta oo
ah kubbadda isha ayaa aad u dheer. Tani
waxaa looga jeedaa in qiyaasta ay isku
jiraan qeybta kore ee isha iyo xubka
danbe (retina) ayaa kala dheer. Markii
aan shey fiirino, iftiinka wuxuu soo maraa isha wuxuuna gaaraa xubka
danbe. Haddii qeybta hore e isha aad uga
fog yahay xubka danbe iftiinka wuxuu
istaagaa qeybta hore e xubka danbe intii
uu xubka danbe gabigiisaba iftiimi lahaa,
taas oo dhibaateeynaaya in waxyaabaha fog fog si fiican loo arko. Dadka qaba
dhawaan aragga waxay
badanaa u baahan yihiin inay xirtaan
muraayado sixid arag sida muraayadaha
indhaha ama lensiska indhaha si ay
baabuur u wadaan una qabtaan hawlaha shaqo ku leh eegista waxyaabaha fogfog.
Dhawaan aragga waxa marmarka
qaarkood lagu daweeyaa qalitaan laysar.
Cawarnaanta Cawarnaantu (astigmatism)
waa marka
isha qaybta cadi aanay si siman u sameysnayn, taasoo keenaysa in iftiinku
ku kulmo qaybaha qaarkood ee shay,
laakiin aanuu dhamaan shayga ku
kulmin. Dadka aan wax dhib ah aragga ka
qabin qaybta cad ee ishoodu waxay
leedahay qaab ah kubbadda koleyga, halka dadka qaba cawarnaan uu qaabka
isha qabteeda cadi ay leedahay qaab ah
kubbadda rugbida dhibaato arag qabaan.
Dadka qaba cawarnaanta waxay caadi
ahaan u baahan yihiin inay xirtaan
muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay u saxaan araggooda. Arag
wax ka qabid waxa loo isticmaalaa in
lagu tilmaamo dadka indho la’ ama bar
ahaan wax arka, ee loo lama jeedo dadka
qaba fogaan arag ama dhawaan arag.
Qofka aragga waxa ka qaba araggii ayaa wax ka lumay ama araggiisii ayaa
doorsoomay. Iyadoo ay ku xiran tahay
sida lumidda araggu u daran tahay, waxa
xaaladaha loo yaqaana ‘arag bar ah’ ama
indho la’aan. Arag bar ah Qof leh ama
arag si daran u hooseeya waxa uu leeyahay arag si daran u hooseeya laakiin
ma indho la’. Waxaa tan uu Ururka
Caafimaadka Adduun ku ku
qeexay (World Health Organisation) qofka
aan si cad u arki karin inta farood ee la
tusay ee u jira fogaan ah 6 mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha
indhaha ama lensis). Indho la’aan Qofka
indho li’i waxa uu qabaa lumid arag oo
aad u daran mana awoodi karo inuu si
cad u arko inta farood ee laga tusay
fogaan ah saddex mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha
ama lensis). Hase yeeshee, waxa laga
yaabaa inuu wali leeyahay xoogaa ah
arag.
Hadaba waxaa jiraan xanuuno iyo cudurro
badan oo ku dhaca indhaha khaas ahaan iyo kuwo kale oo kuwada dhaca indhaha
iyo guud ahaan jirka.
Cudurada iyo xanuunada qaarkood ee
indhaha ku dhaca waxaa sababa wax
yaabo badan oo ay kamid yihiin isha
sixirka jinka cudurada qaarkood sida sonkorowga dhiig karka cudurka
baabasiirka hoos u dhac ku yimaada qaar
kamida vitamins yada jirka cudurada
sababa hoos u dhaca nidaamka difaaca
jirka iyo asbaabo kale oo fara badan oo
ay kamid tahay isticmaalka mukhaada raadka sida qaadka aalkolada sigaarka.
Si kasta ha ahaatee haddii aad leedahay
dhibaatooyin la xiriira xanuunada
indhaha aragtida iyo guud ahaan
caafimaad kaaga xarunta taqasusiga ah
iyo dhaqaatiir teeda ayaa kuu diyaarisay daawooyin rasmi ah inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website
kan si aad u hesho daawo rasmi si aad u
ogaato wax yaabo badan oo caafimaad
ka ku saabsan si aad u hesho talo iyo
tusaaleyn la soo xiriir dhaqaatiirta inshaa allaah waad mahad santihiin.