Dhibaatooyinka la xiriira biyo-baxa
waxaa ka mid ah: 1- Biyo-bax la'aan (Anejaculation) Waxey imaataa marka qanjirka prostate-ka iyo
marinnada manida ay soo tuuri waayaan
biyaha.
Biyo-bax la'aanta runta ah saameyn
kuma laha dareenka galmada.
Biyo-bax la'aanta waxaa keeni karo: - Dhaawac gaaray lafdhbarta
(xangullaha)
Dhaawac gaaray dabaqanaanta
Qalliinnada qaar sida (Colorectal surgery
[qalliinka mindhicirka iyo maroorka] iyo
Aortoiliac surgery qalliinka garwadnaha
Cudurka xasuusta lumiyaha ee parkinson disease
Sonkorowga dhalinyarada (Juveline
Diabetes)
Daawooyinka qaar sida: daawooyinka
dhiigkarka, Daawooyinka diiqada, Daawooyinka waallida iyo Cabidda
aalkoloda. 2- Shahwo la'aan (Anorgasmia) Waa awood la'aanta in qofku shahwada
dareemo (dareenka biyo-baxa oo
maqan), waxyaabaha keenana
badankood waa dhibaatooyin nafsaani
ah (Psychological) sida fakirka iyo
welwelka xilliga galmada. 3- Daahidda biyo-baxa (delayed
ejaculation) Daahidda biyo-baxa waxay ka timaadaa
dhibaatooyin kala duwan waxaana ka
mid ah:
Dhaawac lafdhabarta ah
Dhaawac xubinta taranka ragga ah (dhaawac neerfo)
Daawooyinka dhiig karka, waallida iyo niyad-jabka (diiqada) 4: Dib u noqoshada biyaha (Retrograde
ejaculation) Waa xaalad biyaha dib ugu laabanayaan kaadi
heesta meeshii laga rabay in horay u soo
raacaan ibta xubinta taranka.
Waxaana keeni karo waxyaabahaan soo
socda:
Waxyaabaha keeno biyo-bax la'aanta ee kor ku xusan
Ibta kaadida oo xiran ama ciriiri ah
Afka kaadiheysta oo dabacsan ama iin
leh
Qalliinka saarista qanjirka prostate-ka
5- Biyo-bax daciif ah (Asthenic
ejaculation) Waa tabardarri la xiriirta biyo-baxa oo
sidii la rabay qofku u tuuri karin,
waxaana keena isla dhibaatooyinka biyo
bax-la'aanta kor ku xusan iyo
ciriiriyowga ibta.
Tani saameyn weyn kuma laha uureynta iyo bacriminta ugxantaba. 6- Biyo-bax degdeg ah (Premature
ejaculation) Waa awood la'aan in qofku sii heyn kari
waayo biyaha.
Tani waxay la xiriirta kacsi la'aanta iyo
hawlgabka kacsiga . 7- Biyo-bax xanuun leh (Painful
ejaculation) Waa in qofku dareemo xanuun xilliga
biyo-baxa.
Tani waa mid la kasbado oo mid qofku ku
dhasho maahan, waxayna ka imaataa in
marinka biyaha uu xirmo taas oo ka
dhalato caabuqa prostate-ka iyo caabuqa ibta. Dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay
waxay la xiriiri karaan waxyaabahaan
soo socda:
- Sonkorowga
- Xanuunnada neerfaha
- Shilalka - Caabuqa saxaaxa iyo kaadi mareenka
- Qalliin hore.
Marka laga reebo qalliimada aan kor ku soo xusey iyo dhibaatooyinka kadib qaliinadaas imaan kara inta badan dhibaatooyinka la xiriira minada ama shahwada waxaa keeni kara cudurka baabasiirka oo ah mid isagu ku caan baxay arrimahaah iyo cudurka sokorowga daraasad badan oo aan sameynay waxaan ku ogaaney in xanuunka baabasiirka keeno xanuuno badan oo la xiriira hab dhiska xubnaha taranka ragga iyo dumarka.
Dhibaatooyinka la xiriira biya baxa ragga waxaa iyadana qeyb libaax leh ka qaata isticmaalka aalkolada iyo sigaarka qaadka iyo dhamaan mukhaadaraadka kala duwan.
Sidoo kale waxaa keeni kartaa dhibaatooyinka la xiriira biya baxa galamada badan galmada badan waxey keeni kartaa ama xitaa sahli kartaa in qofka ku dhaco cudurka macaanka ama kaadi sokorowga loo yaqaan.
Hadii aad leedahay dhibaato la xiriirta biya baxa noocyadiisa kala duwan ama aad dareento dhibaato xagga hammiga ama dareenka ragganimeed si fudud ula soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan waxaan diyaar kuula nahey daawo la hubo wax tarkeeda hubinta sababta keentay dhibaatada.
Daawada waxey kor dhineysaa tayada shahwada waxey bogsiineysaa dhamaan caabuq yada jiri kara iyadoo kordhineysa himada iyo dareenka raganimo waxey kordhineysaa dhaq dhaqaaqa (sperms) ka iyo dhamaan xaaladaha dhibaato ee soo wajaha ragganimada.
Daawada waxaa la qaataa muddo 40 maalmood ah inshaa allaah dhaqaatiirta waxaad ka heli doontaa caawimaad buuxda iyo wax qabad joogta ah sidoo kale waxaan daawo aad u sareysa u heynaa inshaa allaah dadka dhibaatooyin ka qaaday qaliimada aan kor ku soo xusnay iyo kuwa uu la dersay xanuunada ku dhaca dhamaan xubnaha taranka ragga iyo dumarka. mahad sanidiin.