Waa maxay cudurka ”psoriasis”
Psoriasis waa cudur haragga ku dhaca
isla markaana qofka ku raago.
Dalka sweden kaliya wuxuu cudurka
psoriasis ku dhacaa dad tirodooda
Ay gaareyso 250, 000 qof. Astaamaha cudurka lagu garto waxaa ka
mid ah.
1: calaamado gud guduudan oo ku
daboolan qolof midab keeda cad yahay.
arrin taas oo ka imaaneysa nudaha
hargaha oo u dhismaan hab aan caadi ahayn.
2: Calaamadaha Psoriasis waxay ka soo
yaacaan haragga, hase yeeshee waxay u
badan yihiin suxulka jilibka bartamaha
oogada iyo maskaxda.
3: finan ka soo yaaaca haragga kil kisha gumaarka iyo saxaax da qofka oo soo
guduudato. sidoo kale cudurkaan wuxuu
weeraraa gacmaha lugaha cidiyaha.
waxaa la aamin san yahay in cudurka
psoriasis u yahay cudur hoos u dhiga wax
tarka difaaca jirka. Taaso iyada na dusha ku sidata fash fash ka haragga una
badan dhan ka kala goysyada.
Cudurka kale ee ka dhex dhasha
cudurkaan isla markaana gaar ahaan ugu
dhaca kala goysyada waxaa lagu
magacaabaa psoriathritis Maxaa keena cudurka psoriasis?
Sababta cudurkaan keenta wali la ma
yaqaano Hase yeeshee, waxaa moodaa in
sinjiga (generna) uu
kaalin weyn ku leeyahay abuurmidiisa.
Wax yaabaha kale ee cudurka sababi kara waxaa ka mid ah qaar kamida
cudur dhaliya yaasha sababa cudurada
iyo sidoo kale wal wal ka iyo walaaca
badan.
Yuu ku dhacaa cudurka psoriasis?
qof kasta iyo da’ kasta ayuu ku dhici karaa cudurka.
Hase yeeshee, wuxuu badan ku dhacaa
da’ yarta, kuwaa soo uu ku dhaco
cudurka inta ay san dhameysan 25 sano .
Xitaa carruurta wuu ku dhici karaa,
laakin se ma badna oo waa dhif. Tirada dumarka iyo ragga uu cudurka
Psoriasis ku dhaco waa isku mid.
Ma la is qaadsiin karaa cudurka
psoriasis?
cudurka psoriasis la is ma qaadsiiyo.
Ma la iska daaweeyn karaa cudurka psoriasis?
haa bi idni llaah cudurka psoriasis waa la
daaweyn karaa xarumaha caafimaad ka
website kan ayaa ku guuleystay al xamdu
lillaah in ay cudurkaan u helaan daaweyn
rasmi ah. Waa maxay psoriathritis?
Psoriathritis waa hurgun ka ama
caabuqa ama infection ka ku dhaca
kala goysyada oo cudurkaan sababo
keeno.
Qiyaastii 30% bukaanada uu ku dhaco cudurkaan waxay la kulmaaan dhibaato
ka mid ah hurgunka kala goysyada
seedaha iyo murqaha.
calaamadaha cudur kaan waxaa kamida
1: xannuun kala goysyada ah
2: adkaasho seedaha iyo murqaha ah 3: dareemid daal badan.
Dhibaatooyinka psoriathritis waxaa kale
oo ka mid ah faraha cagta iyo kala goys
yada faraha gacanta oo soo barrara.
Waxaa kale oo caadi ahaan lagu arkaa
dad ka qaba cudurkaan hurgun ka ama infection ka kala goys yada iyo laf
dhabarta. Haddaba haddii aad leedahay
dhibaatooyin la xiriira cudurkaan isla
markaana aad kala kulantay xanuun iyo
dhibaatooyin la xiriira xanuunada iyo
caabuqa haragga kala goys yada walina aadan helin daaweyn rasmi ah ama uu
jiro xanuun iyo cudur dhibaato kugu haya
iyo dhamaan cilladaha caafimaad daro
ee banii aadam ka la soo gud boonaato
la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha
website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa
allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u
hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn
caawimaad inshaa allaah mahad
sanadiin.