TOOS ULA XIRIIR DHAQAATIIRTA TELEFOONKA +16468272744 AMA +16314883563

VIBER +16468272744 AMA +447441954777
WHATSAPP +16468272744 AMA+447441954777
WAXAA KALE OO LOO ADEEGSAN KARAA WICITAANKA TOOSKA EE DHAQAATIIRTA


WAAD MAHAD SAN TIHIIN

WAXAAD SI TOOS AH NAGA LA SOO XIRIIRI KARTAAN TELKA +16468272744 AMA +16314883563

WHATSAPP WAA
+16468272744 AMA

+447441954777

WAAD MAHAD SAN TIHIIN

VIBER KU WAA +16468272744 +447441954777 XIRIIRKA TOOSKA WAA +16468272744 +16314883563

+16468272744 AMA +447441954777 MAHAD SANIDIIN

WAXAAD NAGA HELEYSAAN WhatsApp NUMBERKA AH +447441954777

WhatsApp KU WAA +447441954777

AMA +16468272744

HADDII WICITAAN KA MAREYKANKA FREE KUU YAHAY AMA AAD ADEEGSATO VIBER KA

WAXA AAD NA GA LA SOO XIRIIRI KARTAA TEL KA AH +16468272744 ISLA NUMBER KAN AYAAD ADEEGSAN KARTAA HADDII AAD ISTICMAASHO VIBER

WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA ADEEGSO VIBER NUMBER +16468272744

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya fariin qoraal ah emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@doctor.com nalasooxiriir@consultant.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH +16468272744 AMA KAN KALE EE AH +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

Wednesday 26 October 2011

Dhalmo la aanta

Qaybtii 1-aad Iyadoo la og’yahay in RABBI uu
qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay in
dhalmo la’aanta ay tahay hibo uu isagu
bixiyo, uuna si gaar ah u sheegay RABBI
in ruuxii uu doono uu siinayo wiilal oo
qura, ruuxii uu doonana uu siinayo gabdho qura, kii uu doonana uu isugu
dhafayo Wiilal iyo Gabdho ayaa haddana
waxaa xusid mudan inay jiraan
waxyaabo badan oo sababi kara dhalmo
la’aanta la soo darista qoysaska qaar. Dhalmo la aanta waxaa loo yaqaan marka
labo ruux oo is guursada aysan helin wax
carruur ah in muddo ah ama abidkood,
iyadoo aan og-nahay in labada qof ee
isguursada sida caadiga ah ay ilmo ku
helaan 17-ka bilood ee ugu horreysa guurkooda Waa haddii uu RABBI doonee. daraasado caafimaad oo xagga qoyska ah dhawaana la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday
daraasooyinkaasi in 22% dadka isguursaday
ay uurka ugu horreeya ku helaan
sannadka ugu horeeya ee guurkooda, sidoo kale 29% dadka isguursada ay
iyagana ku helaan uurka ugu horreeya
laba sano, halka 20% ay ku helaan uurka
ugu horreeya muddo saddex sano ah,
halka 29%-kalena lagu tilmaamo inay
yihiin Madhalayaal. dhalmo la aanta; waxaa loo yaqaan
ilmo la’aan ku habsata qoysas muddo
dheer wada joogay ama guurka aan ku
kala tagin in muddo ah, in ruuxu uu dhalo
marka uu guurka cusub yahay hal cunug
dabadeena ay ka istaagto dhashii iyo sidoo kale in ruuxu uu goor dambe oo
horay loo batay uu helo hal cunug. dhalmo la aanta waxaa sababa
wax yaabo fara badan oo ay ka mid
yihiin: Dadka isguursanaya oo aan si
dhab ah u aqoon qaabka la isugu
galmoodo, mid ka mid ah labada ruux oo
aan si wanaagsan u qaabilin ruuxa kale marka lagu jiro gogosha ama xaaladda
isku taggu ay socoto, ninka oo aan si
wanaagsan isaga saarin minada,
haweeneyda oo iska kacda marka ay
dhamaato galmada, iyo iyadoo intaa ay
raacsan tahay in ay sababaan dhalmo la’aanta cuddurro inta badan ku dhaca
ilmo galeenka ama minada ragga oo aan
wax noole ah lahayn ama aanay ku jirin.
Inta badan waxaan maqalnaa hebel iyo
heblaayo ayaa muddo dheer ku jiray
baaris caafimaad si ay u ogaadaan waxa sababay dhalmo la’aantooda, markii ay
kala tagaan oo mid walbaahi goonidiisa
u guursadana uu ILLAAHAY labadoodiiba
ku arsuqay Awlaad, tan oo kale looma
nisbayn karo sabab dhalmo la aan balse waxaa loo nisbeeyaa in labada ruux dheecaannadoodu ay yihiin kuwo aan
falgal sameyn karin xagga xajmiga iyo
tababrta marka laga eego. Waxaa la yiraahdaa guurka dhex mara
labada ruux ee kala jinsiga ah sida:
Japanese-ka iyo American-ka, Eskimos-
ka iyo Arabian-ka, Indian-ka iyo
British-ka iyo wixi la halmaala inay
sababaan dhalmo la’aan soo wajahdo qoysaskooda, iyadoo warbixintaani ay
sheegtay in labada ruux ee
kala jinsiga ah ay sababi karto dhalmo
la’aantaas, loomana hayo arrintaan daliil
intaas dhaafsiisan.
Waxaa si gooni ah farta loogu fiiqaa in
dhalmo la’aanta la soo darista qoysaska
ay mas’uuliyaddooda inta badan
leeyihiin haweenka, balse arrintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn,
waxaana lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay rag iyo dumar in Raggu ay
yihiin kuwa inta badan ay xaggooda ka
timaado dhalmo la’aanta la soo darista
qoysaska isku cusub iyadoo la sheegay in
40% illaa 45% ay raggu garwadeen u
yihiin dhalmo la’aanta qoysaska. Waxaa la og-yahay in qoysas badan oo
aan ku kala faaruqin guurkooda uu RABBI
siiyay carruur muddo ka badan 15-sano
illaa 20-sano iyagoo jooga xaalad
quusasho ah, waxaana taas lagu
micneeyaa inay kaalin weyn ku leedahay dhalmo la aanta, iyadoo loo
daliishanayo inta sano ee ay isla joogeen
labadaas ruux iyagoo aan wax carruur ah
isku dhalin. Dhanka kale; xaaladdaha dhalmo
la’aaneed waxay ku keenaan qoysas fara
badan oo dunida ku dhaqan inay ka
quustaan ilmo inay helaan, iyadoo
mararka qaarna keenta in labada ruux ee sida wanaagga ah isku soo guursaday ay ku kala tagaan ilmo la’aan awgeed, taasoo laga yaabo inay sababaan waxyaabihii aan kor ku soo sheegnay oo ay ugu weyn tahay aqoon darrida xagga galmada ah.
Qaybtii 2-aad Ninka ragga ah haddii laga helo saddex
arrimood waxaa suuro-gal ah in uu ilmo
dhalo ama ka badbaado dhalmo la aanta saddexdaas arrimoodna waxaan u soo qaadanaynaa mid mid waana kuwan:
1:In laga helo tiro badan oo noolayaal ah shahwadiisa . waana inuu sida caadada ah ninku ku dabooli karo shahwo minadiisa in ku dhow 3-5 Cm oo ka mid ah dhuumaha qaada
minada ama Shawada ee gudaha haweeneyda, waana in laga helaa midanadaas tiro noolayaal ah oo dhan
300-500-Miyal, iyadoo la doonayo in laga
helo 1-Cm oo ka mid ah dhuuntaas in ku
dhow 15-20-Malyuun oo noole, inta
badan minada wadata noolayaasha aan
ku soo sheegnay kor waxay ku noolaan karaan goobta ay ku jiraan muddo dhan
3-5-saacadood oo xiriir ah, halka 50% ay
ku noolaan karaan muddo 24-saac
gudahood ah, iyadoo qaddar lagu
sheegay 20% oo ah minda aan wadan
noolayaal ay iska dhex-jiifi karaan riximka muddo dheer. .
2: Waa in ninku yahay mid aanay minadu kaga daadan dibadda Xubinta taranka ee Haweeneyda ama inta aanu u galmoon haweeneydiisa ay ka quban shahwadii, taasina waa si aanay dibadda ugu daadan noolayaasha ugu horreeya oo ah kuwa ugu muhisan minada oo iyagu marka horeba soo booda.
3:Waa in ninku yahay mid awood u leh in minadiisa (Shahwada) uu si
dhameystiran ugu shubaa ama uu u
gaarsiiyaa gudaha Farjiga haweeneydiisa, waana tan midda sida
weyn loogu boorriyo ragga marka la siinayo taloooyin dhinaca dhalmo laant ah.
Haddaba, waxaa is weydiin mudan
maxaa sababa dhalmo la’aanta Ragga!?. Firfircooni daro la soo gud boonaata
noolayaasha ku jira minada ragga ayaa
ugu horreyn ba loo aanayn karaa dhalmo
la’aan la soo gud boonaata ragga, waayo
sida qaalibka ah awoodda minada ee ragga waxay billaaba taa sannadaha ugu horreeya ee qaan-gaarnimadiisa,
waxayna billaabaan inay hoos u dhacaan
wixii ka dambeeya 30-sano, waxay
markaa billaabaan naaqus kale marka ay gaaraan 40-sano, waxayna darajooyinka u hooseeya gaaraan sannadaha 55-60-ka sano, wixii intaas ka dambeeyana waxaa
laga yaabaa in ruuxaasi kari waayo inuu
ilmo dhalo ama minadiisa laga helo
noolayaal waxaana wax aan la inkiri
karin ah in ruuxu haddii uu dhalo
muddadaa ilmo inay tahay waxyaabaha la yaabka leh ee aan aragno mararka
qaar. Waxyaabaha kale ee sida weyn loogu
aaneeyo inay ragga ku keenaan
dhalmo la aan waxaa ka mid ah:
2:In qanjirrada tuura minada ay noqdaan
kuwo aan sidii la rabay u shaqeyn,
waxaana sababi karaan Cudurada Isfiilitada (Waraabowga). TB-da iyo dhamaan cudurrada ku dhaca
sambabada Waxyaabahaan oo dhanna waxay ragga
dhaxalsiiyaan dhalmo la aan, waxaana
jira cudurro kale oo ragga ka dhiga
madhalayaal, waxaana ka mid ah
cudurka Jabtada oo ay dunidu si weyn
haatan ula dirirayso. Dhanka kale, cabidda sigaarka, qamriga,
Alcoholada iyo cunidda qaadka ayaa ah
kuwo qayb weyn ka qaata in raggu
aanay wax dhalin, waayo ruuxa caba ama cuna waxyaaba haas aan kor ku soo sheegnay
waxay u keenaan in minadiisu aysan yeelan noolayaal la falgali kara ugxanta
dumarka, waxaa kaloo ka mid ah inay
raggu wax dhalin inaysan haweenkooda
ugu raaxay sida ugu sarreysa; waayo
raaxo la’aanta waxay keeni kartaa in
niyadda haweeneydiisu aysan noqon mid maqsuud ah.
Qaybta 3-aad dhalmo la aanta dumarka
Waxaa marag-madoonto ah in majaalka
dhalma la’aaneed ee dumarka uu ka
ahmiyad iyo xiiso badan yahay kan
ragga, waxaana taasi macnaheedu yahay in inta badan lagu eedeeyo dumarka inay dhalmo la’aanta xaggooda u badan tahay, marka qoys ahaanta laga hadlaayo,
waxayna arrintani dhalmo la’aanta inta
badan ay laabta ka qabatay guud ahaan
haweenka ku dhaqan adduunka, gaar
ahaan kuwa ku dhaqan waddamada
islaamka ah, waayo haddii ay guursadaan oo ay wax dhali waayaan
waxaa laga yaabaa in raggoodu ay
guursadaan haween kale si ay ilmo u
raadsadaan. Haweenka in badan way ka jecel yihiin ragga iney ilmo dhalaan, waayo way kaga dareen badan tahay aabbaha xagga carruurta, waxaana la yiraahdaa dareenka dumarka ee waalid nimada waxa uu ka awood iyo mohasho badan yahay kan raggu u qabaan
dhallaankooda, waana taas midda
keentay inay haweenku ka jeclaadaan
ragga dhalmada ama ilmaha.
Iminka waxaan gudo galaynaa
waxyaabaha sababa dhalmo la aanta
dumarka, waxaana ka bixin doonnaa
faah-faahin dheeraad ah, waxaana
daboolka si toos ah uga qaadayaa
shaqooyinka guud iyo kuwa gaarka ah ee xubinta tartanka ee haweenka.
Dumarku waxa uu tarankooda ku xiran
yahay ugxan yaryar oo u eg sida liin
dhalatay, kuna teedsan dhanka midig iyo kan bidix ee dhuunta sida tooska ah u gasha ilmo galeenka ee qaadda minada (Shahwada) ragga, waxayna ukumahan ama ugxantani ka soo daataan dhuunta
ay suran yihiin bishii ba mar, waana
kuwa inta badan noqda dhiigga Xaydka
(Caadada) markay waayaan mino ay la
fal-galaan ama ay ka soo daahaan xilligii ay la falgeli lahaayeen minada, ukumahani waxay kaloo riximka u
diyaariyaan dahaar yar oo ay ku soo
dhacdo minada ragga markay ka timaado
xubinta taranka ee ragga.
Riximka haweeneyda waxaan u kala
qaadaynaa saddex qaybood oo kala ah:
Mid sare, mid qotoma iyo mid hooseeya,
midka hooseeya ayaa wuxuu u sameysan
yahay si foorar ah waxa uuna ku
dhammaadaa meesha ugu horreysa ee Farjiga haweenka qaybtani waa
qayb ta ugu muhimsan ee inta badan u
sahasha noolayaasha ku jira minada
ragga inay si nabad ah ku tagaan halkii
ay ku socdeen ee riximka ahayd si ay fal-
gal ula sameeyaan ugxanta Dumarka. Haddaba, mararka qaar waxaa dhacda in xubintaas aan soo sheegnay aanay ahayn mid si toos ah u shaqeyneysa aanay suuro gal ahayn inay minada raggu gaadho halkii loogu talo galay, halkaasna ay ku noqoto
haweeneydii mid ma dhasho ah. Waxyaabaha kale ee sababa dhalmo
la’aanta haweenka waxaa ka mid ah:-
laciifnimo ku timaadda xubnaheeda
taran, sida inay tabar beelaan qanjirrada
tuura ugxanta iyo kuwa xafida minada
ragga markay soo gaarto gudaha xubnaha taranka dumarka, sida la og-yahay waxey ku qaan gaaraan dumarka 15-jirka, muddadaas wixii ka dambeeya waxaa hoos u dhac uu ku yimaadaa ugxanta iyo tarankooda illaa
laga gaarayo sannadka 30-aad sanadkaan wixii ka dambeeyana waxaa si xowli leh ku soconaya hoos u dhaca taranka dumarka illaa laga gaarayo sannadka 45-aad ee haweeneyda, wixii intaa ka dambeeya haweenka xamliga qaada way yar yihiin. Caadiyan dumarka inta badan markii ay gaaraan sannadaha afartameeyada waxay ka quustaan dhalmo waxaanan oran karnaa 12.5% dumarku markii ay gaaraan sannadaha u
dhexeeya 30-40 waxay ka quustaan dhalmada, sidoo kale 25% waxay ka
quustaan dhalmada markay gaaraan
sannadaha u dhexeeya 40-45-ka, halka
50% ay dumarku ka quustaan dhalmada
markay gaaraan 45-50-sano, sidoo kale
12.5% waxay ku xisaabtamaan sannadka 50-aad ee cimrigooda. Inta badan cudurrada ku dhaca xubinta
taranka Haweenka iyo qanjirrada kale ee howsha xamliga iyo dhalmada kala
dhexeyso ayaa la dhihi karaa waa
sababta ugu weyn ee u keenta
haweenka inay noqdaan madhaleysyaal, sidoo kale waxaa jirta waxyaabo kale oo loo aaneeyo dhalmo la aanta haweenka, waxaana waxyaaba haas kamid ah. 1:Tabardarrada la soo darista haweeneyda.
2. Cudurka Kaadi sokorowga.
3. Kilyo xanuunka muddada dheer soo jiitamayay.
4: burooyinka makaanka ka soo baxa
5: cudurka baabasiirka oo ah cudurka ugu
badan ee haweenka ku keena dhalmo la
aanta iyo hakad ku yimaada dhalmada
dumarka.
6: cudurada dhaliya infakshanada xun xun sida jabatada iyo guud ahaan
infakshanada ku dhaca xubnaha taranka
dumarka.
7: qaar kamida tuboooyinka riximka oo
xirma fallopian tubes.
8: kansanka aan xumeyn ee ku dhaca riximka loona yaqaan endometriosis oo
ah marka unug yada riximka ee gudaha
ay bilaabaan iney ku koraan ilmo
galeenka dibadiisa.
9: kansarka ku dhaca riximka
10:barar ku yimaada ilmo galeenka dumarka.
11: makaanka oo gedisma tani waxey
keentaa dhalmo la aan joogta ah.
12:qalliimada riximka lagu sameeyo
iyaguna waxey sababaan dhalmo la aan
ku timaada dumarka. 13: shayaadiinta oo gasha jirka dumarka
ama raad ku yeelata sida sixirka jinka
isha iyguna waxey sababaan dhalmo la
aan ku timaada dumarka.
14: khal khal ku yimaada maadooyinka
kiimikaad ee jirka gaar ahaan kuwa sida tooska ah ugu shaqada leh riximka oo
iguna sabab u noqda dhalmo la aanta
dumarka.
15: daawooyinka uurka la isaga celiyo
ayaa iyaguna keeni kara dhalmo la aan
ku timaada dumarka. 16: dhaawac ama jug xoog leh oo gaarta
riximka ayaa iyaduna sababi kartaa
dhalmo la aanta dumarka.
17: nusqaan ku yimaada vitamins yada
jirku aanu ka maar min ee aasaasiga ah
ayaa iyaduna lug ku yeelata dhalmo la aanta dumarka.
18: nafaqo dari guud oo ku dhacda
dumarka ayaa iyaduna sababi karta
dhalmo la aanta dumarka.
Inta badan asbaabaha aan kor ku soo
xusnay ayaa iyaguna sababi karaan dhalmo la aan ku timaada ragga.
Dhalmo la aan waxaa jirta ragga u gaar
ah kuna keenta inuu san waxbo dhalin oo
ninku dhamaan isagoo leh buuxinaya
shuruudaha ninka u suura gelisa inuu
wax dhalo ee aan kor ku soo xusnay haddana aan awoodi karin inuu dhalo
sababta ayaana ah iyada oo minadiisa
shahwadiisa ku jirto ( saliid ) saliidaa
ayaana ka joojineysa iney noola yaasha
ku jira shahwada si toos ugu safraan
gudaha riximka haweentiisa. Waxaa kaloo jirta dhalmo la aan ku
timaada qoysaska qaar oo sababtuna
tahay xubinta taranka haweenta farjiga
oo soo saaraya dheecaan acid badan ah
kaasoo sababa in noola yaasha ku jira
shahwada deg deg u dhintaan iyagoona gaarin gudaha riximka.
Sidoo kale waxaa jirta dhalmo la aan ka
timaada haweenta oo xasaasiyad ku ah
shahwada ninkeeda.
Hadii aad ka cabaneyso dhibaato xagga
dhalmada ah ama hakad uu ku timid dhalmadaada ama uu jiro xanuun aad
tuhmeyso inuu dhalmada kaa joojiey
ama aad isku aragto calaamdaha dhalmo
la aanta ama in badan aad baadi goob
ugu jirtay inaad hesho awlaad ama uu ka
cabanaayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada qaraaba daada la soo xiriir
dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta
waxey kuu diyaariyeen daaweyn
dhamaan xanuunada keeni kara dhalmo
la aanta kordhinta tayada tirada awooda
shahwada iyo raganni mada nadiifinta dib u howl gelinta soo celinta hanaanka
shaqo ee xubnaha taranka ragga iyo
dumarka ba soo wac dhaqaatiirta si aad
u hesho daawo wax tarkeeda la hubo talo
iyo tusaaleyn caawimaad toos ah mahad
sanidiin.