hirsutism waa xaalad uu keeno cudur ku dhaca haweenka loona yaqaano ukxan sidaha fiixda leh ama polycystic ovary syndrome loona soo gaabiyo (pcos)
Hirsutism oo ah xaalad uu dumarka qaarkood ku keeno cudurkaan ukxan sidaha fiixda leh ayaa dumarka qaar ee xaaladaani la soo daristo ayaa waxaa ku dhacda in timaha jirkooda ku yaala ziyaadaan isla markaana timo kale oo dheeraad ah si khaldan uga soo baxaan meelaha ay kamid ka yihiin wajiga xabadka naasaha garka garbaha iyo lugaha.
Sababta keenta cudurkaani ayaa ah khal khal iyo howl gab ku yimaada hormoonada haweenta khaasatan marka uu hoos u dhaco (luteinising hormone)
Marka uu ku dhaco haweenta khal khal iyo howlgab xagga hormoonada ah ayaa waxaa ku dhaca cudurkaan ukxan sidaha fiixda leh haddii aan waqti hore laga daaweynin na waxaa ku imaan karaan xaaladahaan soo socda.
1: buurni siyaada ah
2: dhalmo la aan joogta ah
3: finan iyo nabro wajiga ka soo baxa
4: timaha jirka haweenta oo si xad dhaaf ah u soo baxaan iyo waliba timo khaldan oo ka soo baxa meelo aan wanaagsaneyn sida wajiga garka xabadka naasaha iyo garbaha lugaha iyo meelo kale oo badan sidoo kale waxaa dhacda dumarka xaaladaani la soo daristo in timo dheeri ah kaga soo baxaan meelaha aan soo tilmaanay dhan kalena sida ragga bidaar na gasho.
Haddaba haddii aad leedahay dhibaatooyin guud ahaan la xiriira
Xubnaha taran ka guud ahaan iyo gaar ahaan cudurada la xiriira hormoonada iyo guud ahaan cillado iyo caafimaad daro kula soo darsay la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.