Candida ama cabeeb waa infakshan guud waxaana keena khamiirka loo yaqaan Candida albicans. Waxay jeceshahay inay ku korto meelaha diiran oo qoyan sida afka (oral candida), waxayna ku dhuumataa maqaarka ku yaalla sarcanta, dabada agagaarkeeda, marmarka qaarkoodna kilkilada.
Afka gudahiisa, waxay ku samaysaa
meela cad cad oo guduud ku jiro.
Badanaa wareega camanka ayey wax yeelaysaa , laakiin marmarka qaarkood wuxuu galaa ciridka, dhabxanaga ama carabka. Candida wuxuu ku dhacaa badanaa maqaarka meelaha sarcanyuhu ku yaalliin. Dabadeedna waxay ku fidaan bawdiyaha ama barida meelaha ka fog maqaarka kaas oo ay wax yeeshay candida. Midkaani caam ayuu ku yahay meelaha naabiga lagu xiro halkaas oo qoyan isla markaana diiran. Meelaha infakshanku ku dhashay waxay
yeeshaan guduud waxaana dhici kara in
wax fuulaan qarka laymanka yaryar oo ku fidaya meelaha maqaarku ka laaban
yahay. Maxaa dhaliya? Candida waxaa qaba 20% dadweynaha iyadoo aan keenin wax dhibaato ah. Haddii ay jiraan xaalado gaara, sida isticmaalida antibaayootikis, waxaa dhici kara in candida intii ka sii weynaato. Waxaa dhici karta cuntada afka lagaga tegay sida cabitaanada macaan
ama caano, inay qayb ka qaadato
koritaanka infakshanka candida.
Qoyaanka iyo diirimaadka meelaha
diiran (meelaha laabma ee maqaarka)
khaasatan meelaha jirada maqaarku ay ka jirto, ayaa ka dhigi kara candida
infakshan inay noqoto. Haddii cudurkan
afka qalaad lagu yiraahdo candida ku
dhaco meelaha laabma isticmaalida
kareemka cortisone iyadoo aan lala
isticmaalayn daawada lagu daaweeyo, waxaa laga yaabaa in cudurkaani ku sii
xumaado.
Sidee lagu daaweeyaa?
Daawada rasmiga ah ee candida lagu
daweeyo waxaa ku jira kareem la
mariyo meelaha naabiga aafeeyey iyo daawo si toos ah afka looga qaato. Haddii hooyadu ku yeellato candida ama cabeeb cambarka ama ibta naasaha
waxay u baahnaan doontaa daawen rasmi ah. Cabiraada guud oo inaka caawimaysa in laga hortago cudurkaan waxaa weeye in
la ogaado waxay jeceshahay waana: Joojinta antibaayootikiska sida ugu
dhaqsaha badan Si taxadaran u qalajinta meelaha
maqaarku ka laabmo qubayska ka dib Isticmaalida dhar aan kugu dheganayn si aad isaga ilaaliso inaad kululaato waxaa waajib ah in si rasmi ah loo daaweeyo hadii maqaarka jirrado
ee uu yeesho furuuraca naabigu keenay.
Sidoo kale cabeebka wuxuu ku dhici karaa hooyada dhashay iyadoo uuna kaga dhici karo afka carabka iyo farjiga ba sidoo kale waxaa jirta in cabeebku isu bedeli karo xanuuno adag hadii aan si dhaqsa ah la isaga daaweyn waxaana ka mida wax yaabaha uu sababi karo marka cabeebku afka aad ugu koro inuu infakshanka candida raaco tuubada hunguriga isla markaana wax yeeleeyo beerka iyo caloosha wuxuuna keeni karaa nabro gaas ah oo caloosha ku sameysma.
Hadiise cabeebku aad ugu koro gudaha farjiga iyaduna waxey sababi kartaa in xanuun badan laga la kulmo galmada caadada iyo dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin.
Cudurada sababi kara in candida ku badato meelaha qoyan ee laabma waxaa ka mida cudurka baabasiirka oo isagu hoos u dhiga difaaci jirka ama baabi iyaba.
Sidoo kale dadka isticmaala qaadka iyo sigaarka ayaana iyaguna ku kori karaa cabeebka. Umulow waxa ey u taqaano soomaalida oo inta badan dumarka ka sheegtaan iyo xanuunkan aan hadda ka hadleyno ee cabeebka ama candida waa isku mid.
Hadii aad isku aragto xanuunkan ama uu dhibaato kugu hayo ama uu ku hayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daawo mudo 1 bil ah la qaato dhamaana kaa sifeyn doonta xanuunka cabeebka umulowga ama candida hadba sida aad u taqaano inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.