TOOS ULA XIRIIR DHAQAATIIRTA TELEFOONKA +16468272744 AMA +16314883563

VIBER +16468272744 AMA +447441954777
WHATSAPP +16468272744 AMA+447441954777
WAXAA KALE OO LOO ADEEGSAN KARAA WICITAANKA TOOSKA EE DHAQAATIIRTA


WAAD MAHAD SAN TIHIIN

WAXAAD SI TOOS AH NAGA LA SOO XIRIIRI KARTAAN TELKA +16468272744 AMA +16314883563

WHATSAPP WAA
+16468272744 AMA

+447441954777

WAAD MAHAD SAN TIHIIN

VIBER KU WAA +16468272744 +447441954777 XIRIIRKA TOOSKA WAA +16468272744 +16314883563

+16468272744 AMA +447441954777 MAHAD SANIDIIN

WAXAAD NAGA HELEYSAAN WhatsApp NUMBERKA AH +447441954777

WhatsApp KU WAA +447441954777

AMA +16468272744

HADDII WICITAAN KA MAREYKANKA FREE KUU YAHAY AMA AAD ADEEGSATO VIBER KA

WAXA AAD NA GA LA SOO XIRIIRI KARTAA TEL KA AH +16468272744 ISLA NUMBER KAN AYAAD ADEEGSAN KARTAA HADDII AAD ISTICMAASHO VIBER

WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA ADEEGSO VIBER NUMBER +16468272744

Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya fariin qoraal ah emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@doctor.com nalasooxiriir@consultant.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON NUMBERADA KALA AH +16468272744 AMA KAN KALE EE AH +447441954777 TELEFOON KA FIXED KA AH WAA +390918777633 CINWAANADA EMAILKA KALA AH nalasooxiriir@live.com nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@yahoo.com SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA nalasooxiriir@gmail.com MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

Monday 31 October 2011

Cudurka baabasiirka

Cudurka baaba siirka waa cudur aad uga
dhex jira bulshadena. Cudurkani waa
cudur si fudud ku faafa islama markaana
dhibaatoyin badan ku keena dadka uu
haleelo. Cudurkani wuxuu sababi karaa
xanuuno badan wuxuna awood u leyahay inuu burburiyo difaaca jirka. Cudurkana
waa cudur muddo gaaban wada
saameyn kara jirka qofka uu haleelo oo
dhan. Sababta ayaa ah in cudurkani dago
marka hore ba xubnaha aasaaska u ah
banii aadamka. Sida xubnaha taranka dheef shiidka nervious system ka iyo
waliba isago marka dambena saameeya
neef mareenka. Sidoo kale wuxuu
cudurkani saameeyaa kilyaha iyo kaadi
mareenka. Calaamadaha lagu garto
cudurkaan ayaa ah sida tan. 1. Daal fara badan
2.madax xanuun
3.caajis fara badan
4.dhabar xanuun
5.gaas joogta ah
6.infection 7.aragtida indhaha oo yaraato.
8. Wareer
9.dhalmada oo hakad ku yimaado dumar
iyo ragba respectively.
10.caado wareer dumarka
11.tabar yarida raganimada. 12. Xanuun kaa haleela dhinac ama bar
bar dhan oo is wata. Sida lug sinta wad
ilaa madaxa la gaaro.
13.Muruq aan bixin oo joogta ah.
Marka xanuunkan waa xanuunka ugu
sameynta badan xanuunada gurguurta ee qofka la socon kara muddo dheer.
Daaweyn la hubo wax tarkeeda ayaa
jirta oo cudurkani lagu daaweeyo inshaa
allaah caafimaad deg deg ahna aad ka
heli doonto. La soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website ka daawada hadii aad dareento xanuun kan si wax badan
lagaga caawiyo.
walaal waxaan halkaan idiin kugu soo
gudbineynaa warbixin ku saabsan
cudurka baabasiirka. Cudurka
baabasiirka waa cudur jira soona jiri jirey waqtiyo aad u fog. Cudurka
baabasiirka waa cudur gur guurta isla
markaana aheyn cudurka qabatinkiisa
ama waxyeela diisa deg deg tahay
laakiin waa cudur halis ah isla markaana
qatar gelin kara hab nololeedka qofka qaba cudurkani. Calaamadaha lagu garto
cudurkani waxaa ka mida 1: daal fara
badan: daal la dareemayo
marka qofka ku dhex jiro shaqadiisa ama
socodka iyo guud ahaan daal fara badan.
2: caajis badan: caajis saameeya qofka inta badan noloshiisa gaar ahaan
waqtiyada qofka hurdada ka toosayo. 3:
madax xanuun: madaxa oo ku xanuuna
sida maskaxda oo kale mar mar ama si
joogta ah ba.
4: dareenka jinsiga oo hoos u dhac ku yimaado: ragga iyo dumarka ba waa ay
saameysaa arrintani ragga ayaa se sii
daran.
5: muruq joogta ah ama mar mar ah.
Muruq 2 da garbood kaaga taagan ilaa
qoorta xabadka oo xanuun laga dareemo. 6: xubnaha taranka ragga sida xiniinyaha
iyo xubinka taranka oo yaraada ama 1
xiniin ama 2 da ba oo yaraada.
7: miskaha iyo wareega dhabarka
kilyaha oo xanuuna.
8:gaas oo inta badan kula dersa ama aad dareento mararka qaarkood.
9: hoos u dhac guud ahaan jirka ah adiga
oo maleynaya in hoos laguu jiqayo.
10: murqo xanuun: murqaha jirka oo ku
xanuuna inta badan ama mar mar ah.
11:calool fadhi: caloosha oo aan socod laheyn oo aadan suuliga tageynin inta
badan calooshaada oo aan waxbo ka
imaanin.
12: hilmaan fara badan oo aadan lahaan
jirin: adigoo si fudud wax kastaa ku
hilmaamaya. 13:wahsi badan.
14: ragga oo iyagu durba biya baxa
marka isku tagga ragga iyo dumarka.
15: dulqaad yari.
16: cun cun salka hoose.
17: aragtida indhaha oo yaraata indhaha oo caad fuulo aakhirka na gaara ilaa heer
indho fiiq. 18:infection. Infection mar
mar joogta ah
sida dhanka kaadi mareenka.
19: hamiga damaca jinsiga oo yaraada
ama meeshaba ka baxa mararka qaarkood.
20: dhalmo la aan. Dhalmada oo hakad ku
yimaada ama la waayaba dumar iyo
ragba.
21: saxrada oo dhiig la socda mararka
qaarkood dhiig yar oo saxarada dhinac ka heysta.
Marka yuu ku dhici karaa cudurkaan
saameyntiisu badan tahay?
Qofkasta ayuu ku dhici karaa cudurkaan
rag iyo dumar qof weyn iyo qof yar ba.
Saameynta cudurkaan waxey qaadataa mudo dheer oo gaareysa sanado in uu
fahmo qofka cudurkani marka laga reebo
astaamo dhowr ah oo qofka ku fahmi
karo si dhaqsa ah in cudurkani la dersay.
Waxaana ka mida.
1: calool fadhi. Caloosha oo aan ku socon ama xaaladeedii wax iska bedelaan
dhanka saxarada. 2: tabar yari xagga
raganimada ah
3: daal fara badan.
4: caajis badan.
5:cun cun salka ah ama kuus kuus yar yar ah oo salka hoose meesha saxarada ka
soo baxa 6: saxarada ooo dhiig la socdo.
Calaamadahaan iyo kuwo kaloo ka badan
waxaa leh cudurka baabasiirka.
Cudurkani mala kala qaadaa?
Haa cudurkani waa la kala qaadaa waana cudur la iska dhaxlo oo hadii 2
daada waalid ama midkood qabey waa
kugu dhalayaan.
Cudurkaani ma sababi karaa cuduro kale?
Haa cudurkaani wuxuu sababi karaa
cuduro badan waxaana ka mida 1: cudurka dhiig karka 2:cudurada ku
dhaca dheefshiidka.
3:sanboorka
4: gaas
5:dhagax yada kilyaha ku sameysma
6: dhiig la aan ama aneemiya. Cudurkaani daawo maleeyahay? Haa
cudurkaani daawo waa leeyahay
inshaa allaahu tacaalaa cudurkaan
daawadiisa waxaa la qaataa muddo 2
bilood ah dawooyin afka laga qaato
kaliya ayaa na wax ka tari karo oo baa bi in kara. daawooyiin la hubo wax
tarkooda iyo talo iyo tusaaleyn badan
kala soo xiriir dhaqaatiirta page kan ka
howl gasha. Inshaa allaah dhaqaatiirta
ayaa kaa saacidi doontaa habka ugu
haboon iyo qaabka ugu wanaagsan ee aad daawooyinka ku isticmaaleyso iyo
sida ugu wanaagsan ee daawooyinka
laguugu soo gaarsiinayo. Dal iyo dibad ba
waxaad nagala soo xiirii kartaan
telfoonada iyo cinwaanada kor ku xusan.
Dadka ku sugan dibada ka baxsan kenya daawooyinka waxaan ku gaarsiinaa
qaabka postada loo yaqaano. Inshaa
allaah ku soo dhawaaada amaano iyo
adeeg nadiif ah. Mahad sanidiin.

Saturday 29 October 2011

Hingada

Maxaa keena hingada? Waxaa jira muruq u dhaxeeya caloosha iyo sanbabada, muraqaan oo ka qeeb qaata
neefsashada loona yaqaan "Diaphragm" ayaa waxaa dhacaya in marmarka qaarkood uu giigsamo kaasoo
keena inuu qofka hingado waxaana loo yaqaanaa (Involuntary spasm of the diaphragm).
Hingadu way istaagtaa daqiiqado
kadib, inkastoo markii ay xad dhaaf noqoto oo cudur isku badasho ay
u baahantahay daawayn. Sida caadiga ah hingadu waxay dhacdaa markii qof si
dhakhsa ah wax u cuno ama biyo qabow
cabo isagoo cunaya cunto kulul, qosla ama
ooya si xad dhaaf ah iyo qofkii khamro badan caba. Hingada markii ay jiro
isku badasho cudur waxaa loo yaqaanaa
"Singultus", marka hingadu cudur noqoto qofka higgo aan kala go' laheen ayuu ku jirayaa, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah in cadaadis uu ku yimaado neerfaha quudiyo muruqa
"Diaphragm" neerfahaas oo loo yaqaano "Phrenic nerve". Hingada caadiga ah
waxaa lagu joojiyaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay in qofku uu cabo biyo badan sidoo kale cunida mooska aad ka u bisil waxey qeyb ka qaadataa joojinta hingada. Hingada caruurta 5 ta sano ka yar waa iska caadi oo inta badan wax dhibaato caafimaad maleh. Hingada ragga iyo dumarka waxey ku badan tahay ragga. Hadii hingadu intaa ku istaagi wayso oo ay gaarto xaalada loo yaqaano "Singultus" oo ah higgo kala go' aan laheen maalmo ama usbuucyo waxay u baahantahay daaweyn.cudurada sababa in qofka hingo ku timaado ama ku dhacdo waxaa ka mida.1: cudurka gaaska. Siiba gaaska ku dhaca muruqa (diapragm) ka.
2: cudurka baabasiirka oo si rasmi ah u sababi kara cudurro badan oo hingada ka daran.
3: wal walka iyo murugada badan
4:khal khal iyo hoos u dhac ku yimaada habka shaqo ee hormoonada jirka
5: isticmaalka maandoori ya yaasha sida cabidda sigaarka iyo cunista qaadka aalkolada iyo dhamaan mukhaadaraadka.
6: gooryaanada.
7: cudurada ku dhaca dheefshiidka
Iyo xaalado kale oo badan.
Ka hortagga in aan hingo kugu dhicin.
Iska ilaali dhamaan mukhaadaraadka.
Cun cuntada waqtiyo go an cun cunto isku dheeli tiran
Iska baar gooyaanada iskana daawee hadii uu jiro xanuuno aad qabto.
Samee maalin kasta jimicsiga noocyadiisa kala duwan.
Cun ugu yaraan 2 xabo oo moos ah maalin kasta.
Iska daawee hadii ay jiraan wax kamida xanuunada keeni kara hingada.
Iska yaree wal walka iyo murugta.
Si wanaagsan ula soco xaaladaada caafimaad.
Sidoo kale wax yaabaha keeni kara hingada waxaa kamida isticmaalka xanuun baabi iya yaasha (NSAIDS) ka loo yaqaano waxaana ka mida kiniiniga aspirin ka.
Hadii aad isku aragto hingo xad dhaaf ama hinga daadu noqotay cudur ama hingadu dhibaato kugu heyso ama ay dhibaato ku heyso qof kamida ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan
Daawo muddo kooban oo ku siman 2 bilood oo dhamaan tir tireysa hingada iyo asbaabaha keena dhamaan waxaa kuu diyaariyeen dhaqaatiirta website kan nala soo xiriir si aan wax badan kaaga caawinno inshaa allaah. Mahad sanidiin.

Thursday 27 October 2011

Dhiig yaraan anemia

DHIIG YARAAN (ANEMIA) Waa marka
unugyada cas cas ee dhiigu kaa
yaraadaan ama xadiga hemoglabiinta ku
jirta unugyada cas cas kaa yaraato.
Hemoglabiintu waa maado ay ku jirto
macdanta birtu (Iron) oo dhiigga u yeesha midabka cas waxaana ay qabataa Ogsijiinta oo ay ka soo qaado
sambabada gaadhsiisana unugyada
jidhka. Dhiig yaraantu waxay keentaa in
aanu jidhku helin Ogsijiin ku filan. Maxaa keena aneemiyada
1: Macdanta birta oo kugu yar oo ay sabab u tahay dhiig bax kugu dhaca ama adigoon cunin cunto dheeli tiran oo nafaqo leh.
2: vitmin yaraan sida vitmin B12.
3: Yaraanta hormoomka cariya samaysanka unugyada dhiigga taas oo ay sababto cudur ku dhaca kalyaha ama cudurka kansarka.
4: Unugyada cas cas oo sidooda u burbura (Hemolytic).
5: Ku dhalasho cudur waxyeela unugyada cas cas.
6: Cuduro faafa oo kugu dhaca kaas oo sababa dhiig yaraan.
7: Cudur ku dhaca dhuuxa dhiigga sameeya cudurkaas oo noqon kara kansarka dhiigga ku dhaca.
8: Dhiig badan oo xilliga caadada ka baxa ruuxa dumarka ah.
Astaamaha lagu garto
1: Daal iyo bilaa awood
2: Wareer
3: Naqaska oo ku xirma am neefta oo ku qabata
4:Wadno garaac
5: Madax xanuun
Waxaa jirta sidoo kale cudurro badan oo sababa in ay ku gu dhacdo aneemiya waxaana ka mida.
1: Cudurka baabasiirka
2: goor yaanada
3: cudurka roomaatiisamada lafaha
4: cudurka kansarka
5: infakshanada raagey
6: hool gab ku yimaadaha kilyaha
Sababaha keena aneemiya da waxaaa iyada na ka mida uurka xilliga dumarka uurka leeyihiin qaarkood waxaa ku timaada aneemiya
Sidoo kale waxaa aneemiyada keeni kara dhamaan cudurada sababa difaaca jirka oo bur bura.
Asbaabaha dadka caafimaad kooda wanaag san yahay ee haddana lagu arko aneemiya da ayaa waxey intooda badani salka ku heysaa cudurka baabasiirka iyo gooryaanada iyadoo xanuunadaani keeni karaan aneemiyo waxey na safka hore kaga jiraan xanuunada keena aneemiyada waayo cudurka baabasiirku wuxuu wax yeelo gaarsiiyaa xubno badan oo jirka ah walibana muhiim sida kilyaha dheefshiidka kaadi mareenka xubnaha taranka neef mareenka lafaha iyo murqaha sidoo kale wuxuu cudurkaani kamid yahay xanuunada keena bur burka difaaca jirka sidoo kale gooryaanda ayaa iyagana caan ku ah iney keenaan aneemiyada.
Waxaa jirta noocyo kale oo anemia ah kuwaa soo ay sababaan cudurada kansarka aidska kansarka lafaha iyo chronic inflammatory disease balse aragtida noocyadan dambe ayaa ah kuwo aad u yar.
Aneemiyada hadii aan la daaweeyn waxey keeni kartaa in aneemiyada noqoto mid joogta ah ama waxey sababtaa geeri deg deg ah oo ku timaada qofka.
Hadaba hadii aad isku aragto calaamadaha anemia da ama ay ku heyso anemia ama qof ehel kaada asxaabtaada ay heyso la soo xiriir dhaqaatiirta website kan waxaan hubineynaa asbaabta rasmiga ah ee keentay anemia da kadib na waxaad kaga daawoobi inshaa allaah muddo 45 maal mood oo aad daawadeeda qaadan doonto la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho caawimaad daaweeyn talo iyo tusaaleyn inshaa allaah mahad sanidiin.

Wednesday 26 October 2011

Dhalmo la aanta

Qaybtii 1-aad Iyadoo la og’yahay in RABBI uu
qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay in
dhalmo la’aanta ay tahay hibo uu isagu
bixiyo, uuna si gaar ah u sheegay RABBI
in ruuxii uu doono uu siinayo wiilal oo
qura, ruuxii uu doonana uu siinayo gabdho qura, kii uu doonana uu isugu
dhafayo Wiilal iyo Gabdho ayaa haddana
waxaa xusid mudan inay jiraan
waxyaabo badan oo sababi kara dhalmo
la’aanta la soo darista qoysaska qaar. Dhalmo la aanta waxaa loo yaqaan marka
labo ruux oo is guursada aysan helin wax
carruur ah in muddo ah ama abidkood,
iyadoo aan og-nahay in labada qof ee
isguursada sida caadiga ah ay ilmo ku
helaan 17-ka bilood ee ugu horreysa guurkooda Waa haddii uu RABBI doonee. daraasado caafimaad oo xagga qoyska ah dhawaana la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday
daraasooyinkaasi in 22% dadka isguursaday
ay uurka ugu horreeya ku helaan
sannadka ugu horeeya ee guurkooda, sidoo kale 29% dadka isguursada ay
iyagana ku helaan uurka ugu horreeya
laba sano, halka 20% ay ku helaan uurka
ugu horreeya muddo saddex sano ah,
halka 29%-kalena lagu tilmaamo inay
yihiin Madhalayaal. dhalmo la aanta; waxaa loo yaqaan
ilmo la’aan ku habsata qoysas muddo
dheer wada joogay ama guurka aan ku
kala tagin in muddo ah, in ruuxu uu dhalo
marka uu guurka cusub yahay hal cunug
dabadeena ay ka istaagto dhashii iyo sidoo kale in ruuxu uu goor dambe oo
horay loo batay uu helo hal cunug. dhalmo la aanta waxaa sababa
wax yaabo fara badan oo ay ka mid
yihiin: Dadka isguursanaya oo aan si
dhab ah u aqoon qaabka la isugu
galmoodo, mid ka mid ah labada ruux oo
aan si wanaagsan u qaabilin ruuxa kale marka lagu jiro gogosha ama xaaladda
isku taggu ay socoto, ninka oo aan si
wanaagsan isaga saarin minada,
haweeneyda oo iska kacda marka ay
dhamaato galmada, iyo iyadoo intaa ay
raacsan tahay in ay sababaan dhalmo la’aanta cuddurro inta badan ku dhaca
ilmo galeenka ama minada ragga oo aan
wax noole ah lahayn ama aanay ku jirin.
Inta badan waxaan maqalnaa hebel iyo
heblaayo ayaa muddo dheer ku jiray
baaris caafimaad si ay u ogaadaan waxa sababay dhalmo la’aantooda, markii ay
kala tagaan oo mid walbaahi goonidiisa
u guursadana uu ILLAAHAY labadoodiiba
ku arsuqay Awlaad, tan oo kale looma
nisbayn karo sabab dhalmo la aan balse waxaa loo nisbeeyaa in labada ruux dheecaannadoodu ay yihiin kuwo aan
falgal sameyn karin xagga xajmiga iyo
tababrta marka laga eego. Waxaa la yiraahdaa guurka dhex mara
labada ruux ee kala jinsiga ah sida:
Japanese-ka iyo American-ka, Eskimos-
ka iyo Arabian-ka, Indian-ka iyo
British-ka iyo wixi la halmaala inay
sababaan dhalmo la’aan soo wajahdo qoysaskooda, iyadoo warbixintaani ay
sheegtay in labada ruux ee
kala jinsiga ah ay sababi karto dhalmo
la’aantaas, loomana hayo arrintaan daliil
intaas dhaafsiisan.
Waxaa si gooni ah farta loogu fiiqaa in
dhalmo la’aanta la soo darista qoysaska
ay mas’uuliyaddooda inta badan
leeyihiin haweenka, balse arrintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn,
waxaana lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay rag iyo dumar in Raggu ay
yihiin kuwa inta badan ay xaggooda ka
timaado dhalmo la’aanta la soo darista
qoysaska isku cusub iyadoo la sheegay in
40% illaa 45% ay raggu garwadeen u
yihiin dhalmo la’aanta qoysaska. Waxaa la og-yahay in qoysas badan oo
aan ku kala faaruqin guurkooda uu RABBI
siiyay carruur muddo ka badan 15-sano
illaa 20-sano iyagoo jooga xaalad
quusasho ah, waxaana taas lagu
micneeyaa inay kaalin weyn ku leedahay dhalmo la aanta, iyadoo loo
daliishanayo inta sano ee ay isla joogeen
labadaas ruux iyagoo aan wax carruur ah
isku dhalin. Dhanka kale; xaaladdaha dhalmo
la’aaneed waxay ku keenaan qoysas fara
badan oo dunida ku dhaqan inay ka
quustaan ilmo inay helaan, iyadoo
mararka qaarna keenta in labada ruux ee sida wanaagga ah isku soo guursaday ay ku kala tagaan ilmo la’aan awgeed, taasoo laga yaabo inay sababaan waxyaabihii aan kor ku soo sheegnay oo ay ugu weyn tahay aqoon darrida xagga galmada ah.
Qaybtii 2-aad Ninka ragga ah haddii laga helo saddex
arrimood waxaa suuro-gal ah in uu ilmo
dhalo ama ka badbaado dhalmo la aanta saddexdaas arrimoodna waxaan u soo qaadanaynaa mid mid waana kuwan:
1:In laga helo tiro badan oo noolayaal ah shahwadiisa . waana inuu sida caadada ah ninku ku dabooli karo shahwo minadiisa in ku dhow 3-5 Cm oo ka mid ah dhuumaha qaada
minada ama Shawada ee gudaha haweeneyda, waana in laga helaa midanadaas tiro noolayaal ah oo dhan
300-500-Miyal, iyadoo la doonayo in laga
helo 1-Cm oo ka mid ah dhuuntaas in ku
dhow 15-20-Malyuun oo noole, inta
badan minada wadata noolayaasha aan
ku soo sheegnay kor waxay ku noolaan karaan goobta ay ku jiraan muddo dhan
3-5-saacadood oo xiriir ah, halka 50% ay
ku noolaan karaan muddo 24-saac
gudahood ah, iyadoo qaddar lagu
sheegay 20% oo ah minda aan wadan
noolayaal ay iska dhex-jiifi karaan riximka muddo dheer. .
2: Waa in ninku yahay mid aanay minadu kaga daadan dibadda Xubinta taranka ee Haweeneyda ama inta aanu u galmoon haweeneydiisa ay ka quban shahwadii, taasina waa si aanay dibadda ugu daadan noolayaasha ugu horreeya oo ah kuwa ugu muhisan minada oo iyagu marka horeba soo booda.
3:Waa in ninku yahay mid awood u leh in minadiisa (Shahwada) uu si
dhameystiran ugu shubaa ama uu u
gaarsiiyaa gudaha Farjiga haweeneydiisa, waana tan midda sida
weyn loogu boorriyo ragga marka la siinayo taloooyin dhinaca dhalmo laant ah.
Haddaba, waxaa is weydiin mudan
maxaa sababa dhalmo la’aanta Ragga!?. Firfircooni daro la soo gud boonaata
noolayaasha ku jira minada ragga ayaa
ugu horreyn ba loo aanayn karaa dhalmo
la’aan la soo gud boonaata ragga, waayo
sida qaalibka ah awoodda minada ee ragga waxay billaaba taa sannadaha ugu horreeya ee qaan-gaarnimadiisa,
waxayna billaabaan inay hoos u dhacaan
wixii ka dambeeya 30-sano, waxay
markaa billaabaan naaqus kale marka ay gaaraan 40-sano, waxayna darajooyinka u hooseeya gaaraan sannadaha 55-60-ka sano, wixii intaas ka dambeeyana waxaa
laga yaabaa in ruuxaasi kari waayo inuu
ilmo dhalo ama minadiisa laga helo
noolayaal waxaana wax aan la inkiri
karin ah in ruuxu haddii uu dhalo
muddadaa ilmo inay tahay waxyaabaha la yaabka leh ee aan aragno mararka
qaar. Waxyaabaha kale ee sida weyn loogu
aaneeyo inay ragga ku keenaan
dhalmo la aan waxaa ka mid ah:
2:In qanjirrada tuura minada ay noqdaan
kuwo aan sidii la rabay u shaqeyn,
waxaana sababi karaan Cudurada Isfiilitada (Waraabowga). TB-da iyo dhamaan cudurrada ku dhaca
sambabada Waxyaabahaan oo dhanna waxay ragga
dhaxalsiiyaan dhalmo la aan, waxaana
jira cudurro kale oo ragga ka dhiga
madhalayaal, waxaana ka mid ah
cudurka Jabtada oo ay dunidu si weyn
haatan ula dirirayso. Dhanka kale, cabidda sigaarka, qamriga,
Alcoholada iyo cunidda qaadka ayaa ah
kuwo qayb weyn ka qaata in raggu
aanay wax dhalin, waayo ruuxa caba ama cuna waxyaaba haas aan kor ku soo sheegnay
waxay u keenaan in minadiisu aysan yeelan noolayaal la falgali kara ugxanta
dumarka, waxaa kaloo ka mid ah inay
raggu wax dhalin inaysan haweenkooda
ugu raaxay sida ugu sarreysa; waayo
raaxo la’aanta waxay keeni kartaa in
niyadda haweeneydiisu aysan noqon mid maqsuud ah.
Qaybta 3-aad dhalmo la aanta dumarka
Waxaa marag-madoonto ah in majaalka
dhalma la’aaneed ee dumarka uu ka
ahmiyad iyo xiiso badan yahay kan
ragga, waxaana taasi macnaheedu yahay in inta badan lagu eedeeyo dumarka inay dhalmo la’aanta xaggooda u badan tahay, marka qoys ahaanta laga hadlaayo,
waxayna arrintani dhalmo la’aanta inta
badan ay laabta ka qabatay guud ahaan
haweenka ku dhaqan adduunka, gaar
ahaan kuwa ku dhaqan waddamada
islaamka ah, waayo haddii ay guursadaan oo ay wax dhali waayaan
waxaa laga yaabaa in raggoodu ay
guursadaan haween kale si ay ilmo u
raadsadaan. Haweenka in badan way ka jecel yihiin ragga iney ilmo dhalaan, waayo way kaga dareen badan tahay aabbaha xagga carruurta, waxaana la yiraahdaa dareenka dumarka ee waalid nimada waxa uu ka awood iyo mohasho badan yahay kan raggu u qabaan
dhallaankooda, waana taas midda
keentay inay haweenku ka jeclaadaan
ragga dhalmada ama ilmaha.
Iminka waxaan gudo galaynaa
waxyaabaha sababa dhalmo la aanta
dumarka, waxaana ka bixin doonnaa
faah-faahin dheeraad ah, waxaana
daboolka si toos ah uga qaadayaa
shaqooyinka guud iyo kuwa gaarka ah ee xubinta tartanka ee haweenka.
Dumarku waxa uu tarankooda ku xiran
yahay ugxan yaryar oo u eg sida liin
dhalatay, kuna teedsan dhanka midig iyo kan bidix ee dhuunta sida tooska ah u gasha ilmo galeenka ee qaadda minada (Shahwada) ragga, waxayna ukumahan ama ugxantani ka soo daataan dhuunta
ay suran yihiin bishii ba mar, waana
kuwa inta badan noqda dhiigga Xaydka
(Caadada) markay waayaan mino ay la
fal-galaan ama ay ka soo daahaan xilligii ay la falgeli lahaayeen minada, ukumahani waxay kaloo riximka u
diyaariyaan dahaar yar oo ay ku soo
dhacdo minada ragga markay ka timaado
xubinta taranka ee ragga.
Riximka haweeneyda waxaan u kala
qaadaynaa saddex qaybood oo kala ah:
Mid sare, mid qotoma iyo mid hooseeya,
midka hooseeya ayaa wuxuu u sameysan
yahay si foorar ah waxa uuna ku
dhammaadaa meesha ugu horreysa ee Farjiga haweenka qaybtani waa
qayb ta ugu muhimsan ee inta badan u
sahasha noolayaasha ku jira minada
ragga inay si nabad ah ku tagaan halkii
ay ku socdeen ee riximka ahayd si ay fal-
gal ula sameeyaan ugxanta Dumarka. Haddaba, mararka qaar waxaa dhacda in xubintaas aan soo sheegnay aanay ahayn mid si toos ah u shaqeyneysa aanay suuro gal ahayn inay minada raggu gaadho halkii loogu talo galay, halkaasna ay ku noqoto
haweeneydii mid ma dhasho ah. Waxyaabaha kale ee sababa dhalmo
la’aanta haweenka waxaa ka mid ah:-
laciifnimo ku timaadda xubnaheeda
taran, sida inay tabar beelaan qanjirrada
tuura ugxanta iyo kuwa xafida minada
ragga markay soo gaarto gudaha xubnaha taranka dumarka, sida la og-yahay waxey ku qaan gaaraan dumarka 15-jirka, muddadaas wixii ka dambeeya waxaa hoos u dhac uu ku yimaadaa ugxanta iyo tarankooda illaa
laga gaarayo sannadka 30-aad sanadkaan wixii ka dambeeyana waxaa si xowli leh ku soconaya hoos u dhaca taranka dumarka illaa laga gaarayo sannadka 45-aad ee haweeneyda, wixii intaa ka dambeeya haweenka xamliga qaada way yar yihiin. Caadiyan dumarka inta badan markii ay gaaraan sannadaha afartameeyada waxay ka quustaan dhalmo waxaanan oran karnaa 12.5% dumarku markii ay gaaraan sannadaha u
dhexeeya 30-40 waxay ka quustaan dhalmada, sidoo kale 25% waxay ka
quustaan dhalmada markay gaaraan
sannadaha u dhexeeya 40-45-ka, halka
50% ay dumarku ka quustaan dhalmada
markay gaaraan 45-50-sano, sidoo kale
12.5% waxay ku xisaabtamaan sannadka 50-aad ee cimrigooda. Inta badan cudurrada ku dhaca xubinta
taranka Haweenka iyo qanjirrada kale ee howsha xamliga iyo dhalmada kala
dhexeyso ayaa la dhihi karaa waa
sababta ugu weyn ee u keenta
haweenka inay noqdaan madhaleysyaal, sidoo kale waxaa jirta waxyaabo kale oo loo aaneeyo dhalmo la aanta haweenka, waxaana waxyaaba haas kamid ah. 1:Tabardarrada la soo darista haweeneyda.
2. Cudurka Kaadi sokorowga.
3. Kilyo xanuunka muddada dheer soo jiitamayay.
4: burooyinka makaanka ka soo baxa
5: cudurka baabasiirka oo ah cudurka ugu
badan ee haweenka ku keena dhalmo la
aanta iyo hakad ku yimaada dhalmada
dumarka.
6: cudurada dhaliya infakshanada xun xun sida jabatada iyo guud ahaan
infakshanada ku dhaca xubnaha taranka
dumarka.
7: qaar kamida tuboooyinka riximka oo
xirma fallopian tubes.
8: kansanka aan xumeyn ee ku dhaca riximka loona yaqaan endometriosis oo
ah marka unug yada riximka ee gudaha
ay bilaabaan iney ku koraan ilmo
galeenka dibadiisa.
9: kansarka ku dhaca riximka
10:barar ku yimaada ilmo galeenka dumarka.
11: makaanka oo gedisma tani waxey
keentaa dhalmo la aan joogta ah.
12:qalliimada riximka lagu sameeyo
iyaguna waxey sababaan dhalmo la aan
ku timaada dumarka. 13: shayaadiinta oo gasha jirka dumarka
ama raad ku yeelata sida sixirka jinka
isha iyguna waxey sababaan dhalmo la
aan ku timaada dumarka.
14: khal khal ku yimaada maadooyinka
kiimikaad ee jirka gaar ahaan kuwa sida tooska ah ugu shaqada leh riximka oo
iguna sabab u noqda dhalmo la aanta
dumarka.
15: daawooyinka uurka la isaga celiyo
ayaa iyaguna keeni kara dhalmo la aan
ku timaada dumarka. 16: dhaawac ama jug xoog leh oo gaarta
riximka ayaa iyaduna sababi kartaa
dhalmo la aanta dumarka.
17: nusqaan ku yimaada vitamins yada
jirku aanu ka maar min ee aasaasiga ah
ayaa iyaduna lug ku yeelata dhalmo la aanta dumarka.
18: nafaqo dari guud oo ku dhacda
dumarka ayaa iyaduna sababi karta
dhalmo la aanta dumarka.
Inta badan asbaabaha aan kor ku soo
xusnay ayaa iyaguna sababi karaan dhalmo la aan ku timaada ragga.
Dhalmo la aan waxaa jirta ragga u gaar
ah kuna keenta inuu san waxbo dhalin oo
ninku dhamaan isagoo leh buuxinaya
shuruudaha ninka u suura gelisa inuu
wax dhalo ee aan kor ku soo xusnay haddana aan awoodi karin inuu dhalo
sababta ayaana ah iyada oo minadiisa
shahwadiisa ku jirto ( saliid ) saliidaa
ayaana ka joojineysa iney noola yaasha
ku jira shahwada si toos ugu safraan
gudaha riximka haweentiisa. Waxaa kaloo jirta dhalmo la aan ku
timaada qoysaska qaar oo sababtuna
tahay xubinta taranka haweenta farjiga
oo soo saaraya dheecaan acid badan ah
kaasoo sababa in noola yaasha ku jira
shahwada deg deg u dhintaan iyagoona gaarin gudaha riximka.
Sidoo kale waxaa jirta dhalmo la aan ka
timaada haweenta oo xasaasiyad ku ah
shahwada ninkeeda.
Hadii aad ka cabaneyso dhibaato xagga
dhalmada ah ama hakad uu ku timid dhalmadaada ama uu jiro xanuun aad
tuhmeyso inuu dhalmada kaa joojiey
ama aad isku aragto calaamdaha dhalmo
la aanta ama in badan aad baadi goob
ugu jirtay inaad hesho awlaad ama uu ka
cabanaayo qof kamida ehelkaada asxaabtaada qaraaba daada la soo xiriir
dhaqaatiirta website kan dhaqaatiirta
waxey kuu diyaariyeen daaweyn
dhamaan xanuunada keeni kara dhalmo
la aanta kordhinta tayada tirada awooda
shahwada iyo raganni mada nadiifinta dib u howl gelinta soo celinta hanaanka
shaqo ee xubnaha taranka ragga iyo
dumarka ba soo wac dhaqaatiirta si aad
u hesho daawo wax tarkeeda la hubo talo
iyo tusaaleyn caawimaad toos ah mahad
sanidiin.

Cudurka jabtada

Cudurka jabtada waxa uu ka mid yahay
cudarada la daaweyn karo ee Galmada
lagu kala qaado (Curable sexually
transmitted disease), cudurkan waxaa
sababa bakteeriyada loo yaqaano
Neisseria gonorrhoeae, bakteeriyadan ayaa awood u leh in ay qabsato kuna
taranto xuubka gudaha kaga dahaaran
habdhiska taranka ee labka iyo dhediga
(mucasal surface of genital tract) gaar
ahaan dakarka ragga iyo farjiga dumarka
ka dib marka uu qofku la sameeyo galmo buke qaba cudurka jabtada qabsashada
iyo taranka bakteeriyadan ee gudaha
habdhiska taranka ee labka iyo dhediga
ayaa sababa caabuq (Inflammation) iyo
hurgun (Infection) ku yimaada gudaha
dakarka raga iyo farjiga dumarka. Caabuqan iyo hurgunka ayaan hadii aan
durbaba lala gaadhin daaweynta ku
haboon ku faafa xubnaha kale ee
habdhiska taranka sida Riximka (uterus),
ugxan sidayaasha (fallopian tubes), iyo
gudaha saabka (endocervix) ee dumarka, sababana jirada loo yaqaan Pelvic
inflammatory disease (PID) oo ah caabuq
ku dhaca xubnaha aan soo sheegnay ee
habdhiska taranka haweenka, kaasoo
inta badana u keena dhalmo la’aan
(madhaleysnimo) boqolkiiba toban ( 10%) dumarka caabuqan oo kale qaba. Inta badan caabuqa (inflammation) iyo
hurgunka (Infection) raga ku dhaca ayaa
ah mid ku eg kaadi mareenka ( gudaha
dakarka). Mararka qaar ayaa waxaa dhacda in ay
bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ka
talaabto xuubka ku dahaaran habdhiska
taranka oo ay raacdo dhiiga
(bacteremia), calaamadaha lagu arko
bukaha xalaadan oo kale gaara ayaa waxaa ka mid ah
1: Qandho (fever)
2:xanuun badan oo guurguura lagana
dareemo kala goysyada (migratory
polyarthalgia)
3:dhibco cas-cas (petechal)
4:iyo nabaro yar yar oo maqaarka ka soo yaaca ( Mucula papular or pustular rash), hurgunka noocan oo
kale ee bakteeriyadu raacdo dhiiga ayaa
waxaa loo yaqaan Disseminated Gonoccal
Infection (DGI). Waxaa la arkaa in aad is weydiiso
cudurka jabtaddu dhibaato ma u keeni
karaa ilmaha ay dhasho hooyo cudurkan
qabtaa? jawaabtu waa haa, maxaa
yeelay hooyada cudurka jabtada qabtaa
waxa ay u gudbin kartaa ilmaheeda bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae
xiliga dhalmada taas oo u keeni karta
ilmaha indho la’aan (ophthalmia
neonatorium), hurgun kalagoysyada
ilmaha kaga dhaca ( joint infection), iyo
bacteeriyadan oo dhiiga ilmaha raacda sababtana inta badan dhimasho ( life-
threating blood infection).
Inta badan faafida cudurka jabtada
waxaa ka qeyb qaata dumarka marka la
barbar dhigo raga , maxaa yeelay konton boqolkiiba (50%) oo dumarka cudurkan qaba ma muujiyaan wax calaamado
cudur ah (Asymptomatic patient) balse si fiican ayay ugu gudbin karaan qofkii
galmo la sameya, meesha ay 95% ragu
ay muujiyaan calaamado cudur.
Sidoo kale waxaa cudurkani ku badan
yahay dadka isugu galmooda qababka
sharciga iyo dhaqanka wanaagsan ka fog (oral and rectal intercourse). Su’aasha kale ee is weydiinta mudan
ayaa waxay tahay hurgunka (infection) ka ay keento bakteeriyada Neisseria
gonorrhoeae ma mid ku eg baa
habdhiska taranka iyo meelaha kale ee
dadka falfalka xumi isaga tagaan oo keliya? jawaabtu waa maya maxaa
yeelay bakteeriyadan ayaa caabuq iyo
hungur ba ku keeni karta xubno badan oo jirka ka mid ah hadii ay taabato, qabsato
kuna taranto, tusaale ahaan hadii bukaha cudurka jabtada qabaa uu caado ka dhigto in uu gacmaha ku taa taabto
xubanaha habdhiska taranka jirkiisa ee
hurgunka la il daran oo uusan isticmaalin
wax detergent ah (saabuun, alkohool
ama dhitool) waxaa dhacda in
bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ay hurgun ku keento gacmihiisa iyo waliba
xubnaha kale ee jirkiisa e uu gacantiisa
wasakheysan ku taabtay sida indhaha,
afka IWM. Sidoo kale waxaa la mid ah
qofka u isticmaala farahiisa (fareeya)
haweenay qabta cudurka Jabtada.
Calaamadaha:
Calaamadaha u horeya ee lagu arko
bukaha cudurka jabtada qaba ayaa ah
kuwa dhex dhexaad ah , inta badana
calaamadahaasi waxa ay soo muuqdaan
labo ilaa toban casho gudahood ka dib
marka uu qofku galmo la sameeyo buke cudurka qaba. Calaamadaha Dumarka iyo kuwa raga
lagu arko ayaa dhab ahaantii kala
duwan. Calaamadaha Dumarka:
1: xanuun ama gubasho la dareemo
xiliyada kaadida (pain or burning when
urinating)
2: dheecaan ka yimaado farjiga kaas oo
ah cagaar marmarna u eg dhiig-dhiig.
3: dhiig yimaada xiliyada caadada
dhexdooda ( bleeding between menstrual period)
4: xanuun la dareemo xiliyada Galmada 5: qaarka danbe oo xanuuna ( lower
abdominal pain)
Calaamadaha Raga:
1: cuncun iyo xanuun laga dareemo
gudaha dekarka.
2: kaadida oo lagu dhibtoodo (difficult
Urinnation)
3: malax leh xanuun oo ka timaada
dekarka.
4: madax xanuun iyo qandho la dareemo
marmar.
ka hortgga faafidda cudurka jabtada:Cudurkan waxaa looga hortigi karaa oo
keliya qofka oo ku ekaada gogoshiisa
(xaaskiisa) aanan sameyn wax gogol
dhaaf ah (sino), halkaas waxaad ka
garan kartaa macanaha balaaran ee ay
xanbaar santahay xaaraanti meynta ay diinta Islaamka ee sharafta badani
xaaraantimeysay sinada, waxyaabo
badan oo waxaa jira ay gaaladu
sheegaan in looga hortagi karo cudurka
jabtadda balse waa wax ay iyaguba ka
caalwaayeen oo in aan sheegnaa aysan waxba nagala maqneyn, si kastaba ha ahaatee xalka keliya ee looga hortegi
karo faafida cudurkan waa KU EKOW
GOGOSHAADA KANA FOGOW SINADA. BAARISTA CUDURKA JABTADDA:- Si loo xaqiijiyo cudurka bukaha hayaa in
uu yahay cudurka jabtada iyo in kale
ayay xarumaha baarista cuduradu u
adeegsadaan sadex dariiqo midood
baarista cudurka jabtadda.
1: In si toos ah loo adgeesado sheybaare
(microscopy) iyada oo la adeegsanayo
dheecaan aan badneyn oo bukaha laga
soo qaaday, slides (quraarado yar yar oo
loo adeegsado sheybaaraha), ranjiyo iyo
midabo (stain and dyes) ku haboon , taas oo fududeynaysa in si fudud loo arko
muqaalka iyo qaabka bakteeriyada
Neisseria gonorrhoeae .
2: In laga baaro hiddaha (DNA)
bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae
kaadida bukaha, taas oo u baahan in la
isticmaalo qalab casri ah sida midka loo
yaqaan polymerase chain reaction (PCR). 3)- In la abuuro (culture) bakteeriyada
Neisseria gonorrhoeae iyada oo la
isticmaalayo dheecaan laga soo qaaday
bukaga cudurka qaba si loo helo xadi
bakteeriyadan ah oo si fudud loo baari
karo, abuuristan oo u baahan in loo dhameystiro nafaqooyinka iyo
macdanaha (nutrients and minerals) ku
haboon koritaanka bakteeriyada
Neisseria gonorrhoeae.
Hadii aad isku aragto calaamadaha cudurka jabtada ama aad qabto xanuunkan ama uu hayo qof ehelkaada asxaabtaada ka mida la soo xiriir dhaqaatiirta website kan si aad u hesho daaweeyn wax tar leh kaana bixineysa cudurkaan muddo yar talo iyo tusaaleyn iyo caawimaad buuxda mahad sanidiin.

Murqo xanuun

Murqo xanuunku waa xanuun dadka la dersa
wuxuuna ku dhacaa hal muruq iyo in ka
badan ba.
Murqo xanuunku waxaa la socon kara
mergiyo xanuun, seedo xanuun, Lafo
xanuun iyo xanuun ku dhaca soohyada isku haya murqaha iyo xubnaha la
xiriira ba. Murqo xanuunku badanaa wuxuu la
xiriiraa kacsanaanta qofka, welwelka,
murqaha oo aad loo adeegsado ama jug
ka soo gaarta jimicsi ama shaqo culus.
xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku
dhacaaa murqaha kaliya ee culeyska la saaray ama dhaawaca soo gaaray
wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku
dhaco ama jimicsiga ama hawshu
dhamaato. taasi oo u sahleysa qofka
inuu ogaado waxa u keenaya murqo
xanuunka. Murqo xanuunka wuxuu kaloo calaamad
u noqdaa dhibaatooyin kale oo
saameeya jirka oo idil sida caabuqidda
(infakshannada), tusaale ahaan ifilada/
hargabka.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa cudurro asiiba murqaha iyo soohyada
isku haya jirka oo dhan sida cudurka loo
yaqaanno "Lupus" ee haweenka u badan. Waxaa kaloo jira cudurro sidoo daba ku
dhaca murqaha kaliya oo badanaa
calaamado kale wadan. Sababaha keena murqo xanuunka Waxyaabaha ugu caan san ee keena
murqo xanuunka waxaa ka mid ah:
1:Dhaawac ama jug soo gaaray murqaha
sida murgacashada ama culeys xad dhaaf ah oo la saaro.
2: In adeegsiga murqaha laga badiyo ama si dhakhso ah loo isticmaalo taasoo
muruqa u adkaysan karin.
3: Kacsanaanta iyo welwelka qofka.
4:Qaadashada daawooyinka qaar sida
daawooyinka loo yaqaanno "ACE
inhibitors" ee hoos loogu dhigo cadaadiska dhiigga,
5: Daawooyinka"Statins" ee lagu yareeyo dufanka
Kolistaroolka iyo daawada "Cocaine" ee
lagu yareeyo xanuunnada, dadka
qaarkood na qabatimaan.
6: Huridda iyo balbalidda wadajirka murqahaiyo oogada ee loo yaqaan
"Dermatomyositis"
7: Carqalad ku timaada macdanta jirka ku jirta sida soodyamka, bootaasyamka iyo kaalshiyamka.
8: Cudurka "Fibromyalgia" oo kudhaca murqaha iyo soohyada dunta ah ee loo
yaqaanno "Fibrous".
9: Infakshannada oo ay ka mid yihiin:
ifilada, malaariyada, muruq-malaxawga,
dabeysha iyo gooryaannada qaar.
10: Cudurka "Lupus" ee dhaawaca murqaha iyo maqaarka.
11: Cudurrada keena murqo-lafo xanuunka
sida roomaatiisam ka lafaha iyo murqaha ee loo yaqaano
"Polymyalgia rheumatica" iyo
"Polymyositis"
12: Cudurka sumoobidda murqaha ee "Rhabdomyolysis" (soohyada murqaha
ayaa go'go'a sun darteed)
Sidoo kale cudurada keena murqo xanuunka waxaa safka hore kaga jira ugu na badan murqo xanuunka dadkeena soomaalida ka cawdaan cudurka baabasiirka oo isaga ah cudur saameeya qeybaha ugu muhiim san jirka banii aadamka wuxuu na bur buriyaa difaaca jirka. Sidoo kale waxaa kamida xanuunada sababa murqo xanuunka gaaska ku dhaca caloosha.
Sidoo kale cudurka sonkorowga ayaa isaguna keeni kara murqo xanuun.
Nafaqo darida ayaa ka mida wax yaabaha sahli kara in qofka ku dhaco murqo xanuun. Waxaa ka mida xanuunada keeni kara murqo xanuunka iyo lafo xanuun ka ba marka uu ku dhaco ( quumanka ) caabuq infakshan ah oo ay sababto nooc kamida bacteri yada ayaa hadii aan deg deg loo daaweeyn keeni karta iney dhiiga u gudbiso lafo xanuunka iyo muqo xanuunka roomaatiisamka loo yaqaano ugu dambeyntana hadii aan deg deg loo daaweyn u sii gud ba wadnaha iyadoo keenta roomaatiisamada wadnaha.
hadii aad isku aragto murqo xanuun joogta ah ama uu la socdo lafo xanuun ama uu ku hayo xanuunada keena murqo xanuunka la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta waxey gacan kaa siineysaa ogaan shaha waxa sababaya murqa xanuun kaada iyo daaweyn rasmi ah oo ku haboon xanuun kaada si fudud noogu soo gudbi hadii aad isku aragto murqo xanuun iyo lafo xanuun joogta ama aad ku aragto ehelkaada asxaabtaada waxaan diyaar u nahay inaan ku caawinno inshaa allaah. Mahad sanidiin.

Biya baxa deg dega ah

Maxaa keena biya baxa deg dega xilliga
galmada (premature
ejaculation) ka? Waxa xaqiiqo ah in
waxkasta oo qofka
ku dhacaa ay leeyihiin sabab, hadaba
dhibatadan oo noqotay mid ku baahaysa dhalinyarta da, yarta ah ayaa waxaynu
soo qaadan doona dhowr qodob oo ah
waxyaabaha keena inuu qofku hore u
biyo baxo.
1- Dhibaato nafsiyan ah (psychological
factors) (personal problems) qofka oo shaqo badan haya maalintii oo dhan
kadibna marka uu guriga yimaado aan
ka helin haweenaydiisa soo dhawayn
aad u saraysa, in qofku uu kalsooni daro
ka qaado haweenaydiisa ama gabadhu
ninkeeda aanay aad ugu kalsoonayn. (sexual
feelings), qofka oo wakhtiga uu galmada
bilaabayo dareema iskubuuq badan
(excessive nervousness owing to sex).
Soojeedka habeenkii oo isaguna ka mida
waxyabaha keena, iyadoo loo bahanyahay
qofku inuu yareeyo soo
jeedka faraha badan. 2- Qofka oo ay la
soo darsaan
dhibaatoyin xaga jidhkisa ka imida
kuwaas oo ay ka mid noqonayaan, qanjidh xanuunka (thyroid gland) xiniinta
oo ku xanuunta (prostate infective
diseases) iyo cudurada ku dhaca
maskaxda 3- Cabida sigaarku waxay
qeyb weyn
ka qaadataa dhibatadan in qofku uu xajin waayo biyaha wakhtiga galmada,
sababtoo ah unugyada dhiiga qaada
waxay noqdaan kuwo aad u yaryar (our
cells become smaller due to smoking)
markuu qofku sigaarka cabo, taasoo
sababta in dhiiga qofku uu xoog u shaqayn waayo (poor blood circulation).
4- Cunista qaadka, waxa laga yaaba dad
badan inay is waydiiyaan waa maxay
sababta cunista qaadku ay biyo baxa u
keento, qaadka oo ay ku jiraan
maadooyin badan oo raacsan qaybta mukhadaradka (drug additctive) qofku
marka uu qaadka cuno waxa laga yaaba
in hamiga uu u hayo inuu la galmoodo
xaaskisu uu yahay mid aad u sareya
(high capulation drive) lakin inka yar 3
daqiiqo ama 2 daqiiqo ayuu qofku ku biyo baxaa (early discharge) isagoo
markiiba noqda qof hurdo hayso, taasna
waxa ugu wacan cunista qaadka oo ah
daroogo la dagaalamaysa jidhkena
(physical and mentally problem) qofkuna
aanu awoodin inuu marlabaad xaaskisa u tago. 5- arrintan oo ah tan ugu
muhiimsan ee dhakhaatiirka caalamku
isku raaceen inuu keeno biyo baxa
deg dega ah 80% ayaa waxa loo yaqaan
afka qalaad(masturbation) ama qofka oo
isagu gacantiisa iskaga keena biyaha isagoo kali ah. Waxa loo yaqaano
( siigada ) Waxaana la ogaaday in
dhalinyarada ay ugu
wacantahay in boqolkiba 70 ay ku
keento dhibatadaasi biya baxa deg dega
ah marka uu qofku guursado waxa loo yaqaano siigada.
Cudurada sababa biya baxa deg dega
xilliga galmada waxaa ka mida.
1: cudurka baabasiirka oo ah cudur
khatar ah ahna cudurka ugu horeeya ee
sababa biya baxa deg dega ayaa ugu badan asbaabaha keena biya baxa deg
dega ah iyadoo waliba la socdaan tabar
yari xagga raganimada ah boqolkiiba 80
ayuu sababaa baabasiirku biya baxa deg
dega xilliga galmada.
2: cudurka sonkorowga ayaa isaguna ah sababaha keena biya baxa deg deg ah.
3:qalliimada qaar ee lagu sameeyo
xubnaha taranka ragga oo iyaguna
sababa biya baxa deg dega xilliga
galmadda.
4: xanuunada qaar sida infekshanada qaarkood iyo xanuunada kilyaha ku
dhaca qaarkood ayaa iyaguna sababi
kara biya baxa deg dega ah.
5:bixinta mid kamida xiniinyaha ragga oo
iyaduna sababi karta biya baxa deg dega
ah. Daaweeyn malee yahay biya baxa deg
dega ah?
Haa daaweyn rasmiya ayuu leeyahay si
fudud ayaana looga bogsoodaa biya baxa
deg dega ah inshaa allaah.
La soo xiriir dhaqaatiirta webkani hadii aad isku aragto biya baxa deg dega ah
ama aad isku aragto tabar yari xagga
ragganimada ah iyo dhibaatoyinka guud
ee la soo dersa xubnaha taranka ragga
iyo dumarka ba. Dhaqaatiirtu waxey
hubineysaa asbaabta ka dambeysa dhibaatada kadibna inshaa allaah
daawada ku haboon ayaa laguu
diyaarinayaa si fudud noogu soo gudbi
hadii aad isku aragto cillad xagga
raganimada ah inshaa allaah waxaan
diyaar u nahay caawintaada talo iyo tusaaleyn inshaa allaah mahad sanidiin.

Qalalka / suuxdinta

Maanta waxa aan soo qaadaneynaa
waxna ka
iftiimineynaa miyir-
beelida ama suuxdinta. Waxaynu
maqaalkan ku soo qaadi doonaa
waxyaabaha sababa miyir-beelka, calaamadaha lagu garto iyo daaweyn
tiisa ba
Miyir beelida ama suuxdinta macnaheedu
waxa weeyi qofka oo miyirbeelaya, ama
uu miyirkii ka lumay. Waxaanu miyirka
qofka u soo noqdaa daqiiqado ama saacado kadib ka dib.
Waxaanu qofku dareemaa marka uu
miyirka u soo noqdo, daal iyo naxdin.
Haddaba marka ay xaaladdan oo kale
qofka ku timaado maxaa u sababa?
Waxaa u sababa waxyaalo badan laakiin inta badan waa cadaadiska dhiiga oo
hoos u dhaca (blood pressure) ka dib
markii qofku si degdeg ah ku kacay
isagoo markaa fadhiyey. Marka
cadaadiska dhiigu uu hoos u dhaco,
waxaa dhacaysa in aanay maskaxdu helin dhiig ku filan. Waxaa kaloo
suuxdinta ama miyir beelida keeni karta
dareen xoogan oo xaalad naxdin lehi
qofka la soo gudboonaato (strong
emotional reaction).
miyir beelku ma aha xaalad khatar ah, laakiin haddii uu qofku isagoo
fadhiya, jiifa ama hawl jidhka la
xidhiidha qabanaya, (physical exertio) uu
suuxo ama miyir beel ku yimaado,
arrintaas sabab kale ma aha ee waxay
salka ku haysaa ama ay sababtu tahay xanuun xaga wadnaha ah.
Caalamadaha lagu garto miyirbeelida /
suuxida
Inta aanu qofku suuxin wuxuu dareemaa,
dhidid, wareer (dhulkoo la wareera
qofka) iyo dareen si si kale ah. Indhaha oo madowaada, dhegaha oo dhawaaq
guux ah uu qofku ka dareemo dhegaha,
maqaarka jidhka oo midaba kale isku
bedela oo mid cadaan u dhaw ayuu
noqdaa. Mararka qaar waxaa dhacda in
miyirbeelidu ay qofka si degdeg ah ugu soo boodo oo aanu qofku markaa
dareemin miyir beelka iyo suuxdinta
aynu kor ku soo xusnay waa miyir beelka
ama suuxdimaha sahlan ee dadka qaarkii
soo wajaha.
Waxaa jirta suuxdimo dadka qaarkii ku dhaca kuwaa soo ah cudur joogto ah
loona yaqaan cudurka suuxdinta ama
qalalka.
maxaa keena cudurka suuxdinta ama
qalalka?
Suuxdinta ama qalalka wax yaabaha keena waxaa ugu weyn 2 sababood.
1:Qalal ama suuxdin timaada kadib
marka qofka ay wax ka gaaraan ama
cudur ku dhaco ama xirmo ama buro ka
soo baxdo xidid kamida xididada
neerfaha maskaxda. 2:qalal ama suuxdin timaada kadib
marka qofka taabtaan jirkiisa qaar
kamida ama galaan shayaadiinta
kuwooda xun xun sababana qalal ama
suuxdinta.
Calaamadaha lagu kala garto 2 da qeybood waa sida tan.
1:Hadii qalalka ama suuxdinta qofka ka
imaaneyso xagga maskaxda qofka
wuxuu dareemayaa caajis wareer iyo
murqo xanuun isagoona fahmaya
garanaya in xanuunka uu soo haayo wuuna u sii diyaar garoobayaa oo wuxuu
ka fogaanayaa meelaha qatarta ka soo
gaari karto sida dabka iyo wadooyinka
wuxuuna helayaa calaamado digniina ka
hor saacado ama maalmo inta aanu
xanuunka qabab. 2: hadii se qalalka / suuxdinta ka
imaaneyso taabasho gelid jirka ay galaan
qaar kamida shayaadiinta xun xun ee
sababa qalalka markaa qalalka /
suuxdinta qofka malaha wax calaamado
ah oo u sii digaya in xanuunku qaban doono wuxuuna xanuunku ku qabanayaa
si kadis ah ha joogo goob qatar ah sida
meelaha dabka ka shidan yahay ama
wadooyinka ama meel aan qatar aheyn
Qalalka noocani wuxuu maalin ama
habeen gudihiisa soo noqon karaa dhowr mar.
waxaa jirta noocyo kale oo qalal /
suuxdin ah waxaana ka mida nooc ay
keento burooyinka maskaxda ka soo
baxa iyo noocyo kale oo ay keeni karto
jug ama dhaawacyo culus oo gaarey qeybaha dareemayaasha maskaxda
Sidoo kale cudur kaan wuxuu ku dhici
karaa dadka isticmaala mukhaadaraad
ka sida sigaarka aalkolada iyo kuwa
kaloo badan.
Qalalka /suuxdinta 2 da qeyb ee aan kor ku soo xusey waxaa la socon kartaa
xaalado kale sida naafanimo qofka oo
naafo ka noqda gacan ama lug iyo gacan
ama dhinac dhan oo is qaba. Sidoo kale
waxaa la socon karta dhinaansho xaga
dhimirka ah sida qofka oo aan wax badan kala garaneynin ama dhugta oo
maqnaata xaga hadalka oo dhibaato kala
soo derista iyo carabka oo cuslaada
dhamaan astaamahan wey sababi
karaan 2 da nooc ee qalalka ee aan kor
ku soo xusnay waxeyse badanaa raacaan nooca dambe ee shayaadiintu sababaan.
Qalalka / suuxdinta mararka qaarkood
waxaa sababa sixirka hadii qofka la sixro
oo sixirkaana jirkiisa galo haleelo sixirku
markaa wuxuu sababi karaa qalal ama
suuxdin joogata ah . Waxaana ka mida calaamadaha qalalka uu sixirku keenay
iyadoo qalalka la socoto wax aad
mooddo burun kiitada in ama neef ahaan
loo qabanayo sidoo kale qofka wuxuu
aad uga sheegan doonaa ( gaas).
Daaweeyn rasmi ah oo daaweynaysa noocyada qalalka lana qaato muddo
gaaban wax tarkeedana in badan la
xaqiijiyey dhibaato caafimaad na aan
keeneynin si deg deg ah na wax uga
qabata inshaa allaah cudurka qalalka /
suuxdinta ka la soo xiriir dhaqaatiirta ka howgasha website kani dhaqaatiirta
ayaa kuu ballan qaadeysa daaweyn
tayeysan oo wax tar leh iyo caawimaad
talo iyo tusaaleyn inshaa allaah.
Hadii aad ka cabaneyso cudurkaan ama
uu hayo qof ehelkaada asxaabtaada dhaqaatiirta ayaa kuu ballan qaadey
daaweyn kaa kaafisa cudurkaan inshaa
allaah si fudud noogu soo gudbi adigoo
isticmaalaya telefoonada iyo emailada
ku jira page ka nala soo xiriir mahad
sanidiin.

Monday 24 October 2011

Dhibaatooyinka biya baxa

Dhibaatooyinka la xiriira biyo-baxa
waxaa ka mid ah: 1- Biyo-bax la'aan
(Anejaculation) Waxey imaataa marka
qanjirka prostate-ka iyo
marinnada manida ay soo tuuri waayaan
biyaha. Biyo-bax la'aanta runta ah saameyn
kuma laha dareenka galmada.
Biyo-bax la'aanta waxaa keeni karo: -
Dhaawac gaaray lafdhbarta
(xangullaha)
Dhaawac gaaray dabaqanaanta Qalliinnada qaar sida (Colorectal surgery
[qalliinka mindhicirka iyo maroorka] iyo
Aortoiliac surgery qalliinka garwadnaha
Cudurka xasuusta lumiyaha ee parkinson
disease
Sonkorowga dhalinyarada (Juveline Diabetes)
Daawooyinka qaar sida: daawooyinka
dhiigkarka, Daawooyinka diiqada,
Daawooyinka waallida iyo Cabidda
aalkoloda. 2- Shahwo la'aan
(Anorgasmia) Waa awood la'aanta in qofku shahwada
dareemo (dareenka biyo-baxa oo
maqan), waxyaabaha keenana
badankood waa dhibaatooyin nafsaani
ah (Psychological) sida fakirka iyo
welwelka xilliga galmada. 3- Daahidda biyo-baxa (delayed
ejaculation) Daahidda biyo-baxa waxay
ka timaadaa
dhibaatooyin kala duwan waxaana ka
mid ah:
Dhaawac lafdhabarta ah Dhaawac xubinta taranka ragga ah
(dhaawac neerfo)
Daawooyinka dhiig karka, waallida iyo
niyad-jabka (diiqada) 4: Dib u noqoshada
biyaha (Retrograde
ejaculation) Waa xaalad biyaha dib ugu laabanayaan kaadi
heesta meeshii laga rabay in horay u soo
raacaan ibta xubinta taranka.
Waxaana keeni karo waxyaabahaan soo
socda:
Waxyaabaha keeno biyo-bax la'aanta ee kor ku xusan
Ibta kaadida oo xiran ama ciriiri ah
Afka kaadiheysta oo dabacsan ama iin
leh
Qalliinka saarista qanjirka prostate-ka
5- Biyo-bax daciif ah (Asthenic ejaculation) Waa tabardarri la xiriirta
biyo-baxa oo
sidii la rabay qofku u tuuri karin,
waxaana keena isla dhibaatooyinka biyo
bax-la'aanta kor ku xusan iyo
ciriiriyowga ibta. Tani saameyn weyn kuma laha uureynta
iyo bacriminta ugxantaba. 6- Biyo-bax
degdeg ah (Premature
ejaculation) Waa awood la'aan in qofku
sii heyn kari
waayo biyaha. Tani waxay la xiriirta kacsi la'aanta iyo
hawlgabka kacsiga . 7- Biyo-bax xanuun
leh (Painful
ejaculation) Waa in qofku dareemo
xanuun xilliga
biyo-baxa. Tani waa mid la kasbado oo mid qofku ku
dhasho maahan, waxayna ka imaataa in
marinka biyaha uu xirmo taas oo ka
dhalato caabuqa prostate-ka iyo caabuqa
ibta. Dhibaatooyinka aan kor ku soo
xusay waxay la xiriiri karaan waxyaabahaan
soo socda:
- Sonkorowga
- Xanuunnada neerfaha
- Shilalka - Caabuqa saxaaxa iyo kaadi
mareenka - Qalliin hore.
Marka laga reebo qalliimada aan kor ku
soo xusey iyo dhibaatooyinka kadib
qaliinadaas imaan kara inta badan
dhibaatooyinka la xiriira minada ama
shahwada waxaa keeni kara cudurka baabasiirka oo ah mid isagu ku caan
baxay arrimahaah iyo cudurka
sokorowga daraasad badan oo aan
sameynay waxaan ku ogaaney in
xanuunka baabasiirka keeno xanuuno
badan oo la xiriira hab dhiska xubnaha taranka ragga iyo dumarka.
Dhibaatooyinka la xiriira biya baxa ragga
waxaa iyadana qeyb libaax leh ka qaata
isticmaalka aalkolada iyo sigaarka
qaadka iyo dhamaan mukhaadaraadka
kala duwan. Sidoo kale waxaa keeni kartaa
dhibaatooyinka la xiriira biya baxa
galamada badan galmada badan waxey
keeni kartaa ama xitaa sahli kartaa in
qofka ku dhaco cudurka macaanka ama
kaadi sokorowga loo yaqaan. Hadii aad leedahay dhibaato la xiriirta
biya baxa noocyadiisa kala duwan ama
aad dareento dhibaato xagga hammiga
ama dareenka ragganimeed si fudud ula
soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha
website kan waxaan diyaar kuula nahey daawo la hubo wax tarkeeda hubinta
sababta keentay dhibaatada.
Daawada waxey kor dhineysaa tayada
shahwada waxey bogsiineysaa dhamaan
caabuq yada jiri kara iyadoo kordhineysa
himada iyo dareenka raganimo waxey kordhineysaa dhaq dhaqaaqa (sperms)
ka iyo dhamaan xaaladaha dhibaato ee
soo wajaha ragganimada.
Daawada waxaa la qaataa muddo 40
maalmood ah inshaa allaah dhaqaatiirta
waxaad ka heli doontaa caawimaad buuxda iyo wax qabad joogta ah sidoo
kale waxaan daawo aad u sareysa u
heynaa inshaa allaah dadka dhibaatooyin
ka qaaday qaliimada aan kor ku soo
xusnay iyo kuwa uu la dersay xanuunada
ku dhaca dhamaan xubnaha taranka ragga iyo dumarka. mahad sanidiin.

Caadada dumarka

Sababaha Xanuunka caadaada badanaa
waa wax-yeelaynta xun ee hab- socodka
dabiiciga ah caadada dhiigga jirkaaga.
Waxuu xanuunka caadada dhacaa markii
derbiga muruqeed ee ilmo-galeenka is-
qabsado (adkaado). Inta ay jirto caadadaada, derbiga ilmo galenkaaga
wuxuu isku qabanaaya si culus, si uu u je-
jebiyo dhiigga saaran derbiga kana dhigo
caadadaada bil walba kugu dhacda.
Waxuu hab- socodkaan keeni karaa inuu
jirkaaga sii daayo kiimikada keenayso xanuunka. Inta aad ku jirtid caadada
dhiigga, waxuu kale uu jirkaaga soo
saarayaa koox kale oo kiimiko ah, ee loo
yaqaano prostaglandins. Waxuu
kiimikadaan ku dhiiri- gelinaayaa
murqaha ilmo galeenka inay si ka badan isku qabsadaan, iyaga oo kordhinaayo
heerka xanuunka. Waxaa jiraan labo nooc
oo waa-wayn ee xanuunka caadaada.
Dysmenorrhoea’da koowaad waa wax-
yeelayn xun ee caadi ah ee ka timaaddo
caadada wax yeeleynta waxaan uga jeednaa xanuunka aad dareemayso
xilliga caadada waana xaalad caadi ah
nooca koowaad hadii xanuunku jiraayo
muddo gaaban ama inta caadada
waqtigeeda lagu jiro isla markaana uu
san jirin xanuun ama dhibaato sii jireysa caadada kadib. Waxaa dysmenorrhoea’da
labaad sababo xaalado gaar ah. Qaar ka
mid ah xaaladaha keeni karaan
dysmenorrhoea-da labaad waxaa ka mid
ah endometriosis (waa markii unugyada
ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa),
fibroids (kansarka aan xumayn ee ku
dhaco ilmo galeenka) iyo cudurka
bararka maskaha (waa bukasho ku dhaco
xubnaha dhalidda ee gudaha). Qalabka
intrauterine (oo ah qalabka looga hortago uurka ee lagu xiro ilmo galeenka
gudihiisa) wuxuu xittaa mar- mar keeni
karaa xanuunka caadada. Waxaa jirta
xaalado badan oo keena kara xanuunka
caadada waxaana ka mida.
1: infection: infekshanada la isugu gudbiyo galmada sida jabtada gonorrhea
ama chlymedia iyo xanuunka loo
yaqaano pelvic inflammatory disease
soomaalida na u taqaano galaha.
2:cudurka baabasiirka: oo ah cudurka ugu
badan uguna xooga iyo saameynta badan xanuunka joojinta waayidda badinta
muddada caadada iyo waxyeeleynta
habka shaqo ee makaanka dumarka
cudurkaan baabasiirka dumarka qaba
waxaa ku imaan karta xanuun caado
waayida caadada caadada oo yaraata ama badata xanuun makaanka ah aaryo
ku xiranta makaanka dhalmo la aan ku
timaada dumarka iyo dhicis mararka
qaarkood ah iyo dumarka qaarkood.
3: gooryaan: noocyo kamida
gooryaanada oo iyagu sababa infection no aad u xoogan sida nooca loo yaqaano
ambeebaha oo saameyn ku yeelan kara
habka caadada u timaado iyo xanuunka
caadada waana waxa soomaalida u
taqaano umul sabiyaanta sidoo kale
waxaa sababi kara dhibaatooyinka la xiriira caadada gooryaano kale oo
ambeebaha kaliya ma ahee kuwa kalena
waa sababi karaan.
4: jamicsiga xad dhaafka ah isaguna
wuxuu sababi karaa dhibaato ka timaada
dhanka caadada sida in gabadhu caadaba helin ama caadada kal kulanto xannuun
badan ama waqtigeeda qaldamo.
5: inta badan caadada waxaa ku shaqo
leh kiimikooyinka kala ah estrogen iyo
progesterone khal khal ku yimaada
habka shaqada jirka ee endocrine system ka loo yaqaano isaguna wuxuu sababi
karaa dhibaatooyin caado sida xanuunka
caadada waayida caadada caadada oo
badata ama yaraata caada oo soo noq
noqota dhowr mar 28 maalmood
gudahooda waayo wareega caadada saxda ah u dhaxeeya 21 beri ugu yaraan
35 berina ugu badnaan. Socodka caadada
haweenku waa ku kala duwan yihiin
qaar caadadada waxey ka socotaa 4 beri
qaarna 7 beri qaarna 10 beri ugu
badnaana waa 10 kaa beri. Khal khal ka nidaamka kiimikaad ee jirku kaliya ma
sababo dhibaatooyinka caadada balse
waxuu sababi karaa dhibaatooyin badan
oo ay ka mid tahay dhalmo la aanta.
6:cabidda aalkolada sigaarka cunidda
qaadka iyo qaar kamida daawooyinka iyo guud ahaan isticmaalka maandoori
yayaasha waxey sababi karaan
dhibaatooyin caado iyo dhalmo la aan ba
rag iyo dumarba.
7: nafaqo la aanta: waxey sababi kartaa
dhibaatooyinka caadada dumarka iyo xanuuno kaleba cun cunto nafaqo leh oo
isku dheeli tiran.
8:burooyinka iyo dhaawac gaara
makaanka iyaguna waxey sababi karaan
dhibaatooyin caado iyo dhalmo
laaanba.Inshaa allaah hadii aad isku aragto dhibaato xaga caadada ah ama
dhalmo la aan ah allaah weyne ayaa wax
caafiya isaga ayaana kaashaneynaa la
soo xiriir dhaqaatiirta website kan ka
howl gasha inshaa allaah daawo la hubo
wax tarkeeda talo iyo tusaaleyn iyo caawimaad intii karaan keena ah ayaan
u diyaariney dadkeena soomaaliyeed ee
iyagu cudurada iyo dagaalada
dhibaateeyeen. Inshaa allaah daawada
waxaa la qaataa muddo 2 bilood ah wax
dhibaatana ma keeneyso adigoo howlahaaga shaqo ku jira ayaad na
isticmaali kartaa inshaa allaah mahad
sanidiin

Friday 21 October 2011

Qanjirka troodka

Waa maxay Overactive
thyroid? Overactive thyroid ama
Hyperthyroidism waa xaalad uu qanjirka
troodhka aad u
shaqeynayo soona saarayo
hormoon tirabadan, kaasoo dhiigga ka buuxsamo, kadibna
keeno in qofka ku sumoobo
waxaana loo yaqaannaa (Thyrotoxicosis).
Hormoonnada uu soo daayo
qanjirka troodhka waxay ka
qeyb qaataan falalka muhiimka ah ee ka dhaca unugyada jirka,
qanjirkanna wuxuu ku yaallaa
dhuunta qeybteeda hoose, qanjirka
wuxuu ku
wareegsanyahay hunguriga cad
waxuuna leeyahay qaab balanbaalis oo kale. Waa maxay qanjirka
troodhka? Qanjirka wuxu dhiigga ka
aruuriyaa cunsurka loo
yaqaanno Iodine, kaasoo
badanaa laga helo cunto
badeedka, rootiga iyo cusbada waxuuna qanjirka u adeegsadaa
samaysanka hormoonnada.
Labada hormoon ee ugu
muhiimsan ee uu soo daayo
qanjirka toroodhka waa T4 (99.9%),
T3(0.1%), hormoonka saameynta ku leh jirka waa T3, sidaa
daraadeed markii loo
baahdaba T4 ayaa loo badalaa
T3. Sidee ayuu u shaqeeyaa
qanjirka troodhka Qanjirka troodhka
waxaa kontroola qanjir kale oo ku
yaalla maskaxda laguna
magacaabo Pituitary,
qanjirkaan wuxuu awood u
leeyahay inuu yareeyo ama siyaadiyo
hawsha qanjirka troodhka, hadii hormoonnada
ay ku yaryihiin dhiigga wuxuu
fariin u diraa qanjirka troodhka
si hawsha loo kordhiyo iyo sida
kalaba. Isla qanjirka pituitary waxaa sii
kontoroola qanjir muhiim ah kana mid ah maskaxda loona
yaqaanno "Hypothalamus.
Qanjirka Hypothalamus wuxuu
soo daayaa hormoon loo soo gaabiyo TRH
macnihiisuna
yahay hormoonkii soo deyn lahaa hormoonnada troodhka,
wuxuu saameeyaa qanjirka
Pituitary, waxuuna ka soo
daayaa hormoon loo soo gaabiyo TSH oo
macnihiisu
yahay homoonkii kicinta troodhka. markaas ayuu
qanjirka hawsha billaabaa
soona daayaa hormoonnada T3
iyo T4. Marka haddii ay jirto mushkilad
keensanaysa in qanjirka si aad
ah u shaqeeyo, waxay ka imaan kartaa mid ka mid ah 3-da
qanjir. Maxaa keeno Kacsanaanta
Qanjirka Troodhka? Haddii aan soo koobo
waxyaabaha keena kacsanaanta
qanjirka troodhka waa sidatan: Graves'
disease (Waa cudur ku dhaca qanjirka troodhka kaasoo
ka lunsiiya qaabkii saxda aheyd
oo loogu kontrooli jiray
hormoonka laga soo daayo
qanjirka pituitary ee TSH,
Cudurkan waa cudur la kala dhaxli karo, wuxuuna ku badan
yahay haweenka [5-tii haween
markuu ku dhaco 1-rag ah ayuu
ku dhacaa], cudurkaan waxaa
kiciya diiqada, sigaar cabidda,
raajo lagaa saaray dhuunta, daawooyin iyo caabuqid feyras.
calaamadaha lagu garto
cudurkaan waxaa ka mid ah
indho-fiiqnaan iyo furuuruc ka
soo muuqdo badanaa lugaha) Buro ka soo
baxdo qanjirka troodhka, buradaasoo si
kontorool laáan ah u soo deyso
hormoon. In qofku qaato daawooyin u
shaqeeya sida hormoonka
troodhka (daawooyinka lagu
yareeyo miisaanka oo kale.) Hormoonka kicinta troodhka oo
si xad dhaaf ah loo soo daayo,
taasoo badanaa ka timaado
buro ka soo baxdo qanjirka
Pituitary. Qanjirka troodhka oo caabuq ku
dhaca waxaana badanaa keeno fayras. waxaana calaamad u ah
qandho, cuno-xanuun iyo
xanuun markaa wax liqayso.
qanjirka waa xanuun markii la taabto.
Iodine badan oo la qaato sida
daawada Ämiodarone" oo leh Iodine badan. Calaamadaha Kacsanaanta
Qanjirka Troodhka Dhidid badan Kuleelka
oo loo adkaysan karin Socodka caloosha
oo siyaado ah Gariir gacmaha ah Xanaaq
iyo kacsanaan niyad Wadno garaac
siyaado ah Miisaanka oo lumo Daal iyo tabardarri Dhiigga haweenka oo
qaldamo Sidee lagu ogaadaa
Kacsanaanta Qanjirka
Troodhka In la fiiriyo calamadaha aan kor
ku soo xusay sida gariirka
gacmaha, dhidid badan, maqaarka jirka oo saliix noqdo,
tinta oo khafiif noqoto,
wadnaha oo aad u garaacmo iyo qanjirka
troodhka oo bararo. Baaritaan dhiiig oo
lagu
fiirinayo hormoonnada kala ah T3, T4, TSH Raajo-saaris Sidee loo
daaweeyaa
Kacsanaanta Qanjirka
Troodhka? Daawo la hubo isbedel deg
deg ahna ku sameyneysa dhamaan
xanuunada kala duwan ee qanjirka troodhka deg deg ula soo xiriir
dhaqaatiirta page kan ka howl gasha
inshaa allaah muddo 1 bil ah ayaad kaga
bogsoon doontaa dhamaan xanuunada ku
dhaca qanjirka troodka. Ma jirto cunto
gooni ah oo loo qaato xaaladdaan, laakiin haddii
kacsanaantaadu ka timid in uu
kugu badan yahay cunsurka
Iodine waxaa iska yareyneysaa
cunnooyinka uu ku badanyahay
Mahad sanidiin

Sunday 16 October 2011

SUUSKA

Waxa aynu u kala qaadaynaa dhawr
xaaladood marka hore waxa keena
Suuska ma aha hal arrin oo kaliya laakiin
waa sida tan waxaana u sii qeexi
doonnaa mid mid:
1. Bacteria( ama ili-ma-aragto ku nool afka gudihiisa oo ay caawinayso waxa
loo yaqaan Huurada ama wasakhda oo
aan laga cadayin ilkaha.
2. Tooth Wear ( Dillaac ku yimaada ilkaha
si aan la arki karin oo laakiin u bannaan
ama u furan in ay Bacteria- yadu si dhib yar u gali karto ilaa ay ka dhawaacayso
gudaha iliga . haddab dillaaca ayaa u sii
kala qaadma ama ay keentaa saddex
shay oo kala ah:.
A- Erosion.
B- Atrision. C- Abration.
Erosion: waa dhaawac ka soo gaadha
iliga maaddooyin Chemical ah kuwaasi
oo dhameeya oo jejebiya qaybihii adkaa
ee iliga waxana ka mid ah chemicalkaa
Acida, Daacada ka soo noqota afka marka cuntadu caloosha gaadho ee
dheecaanadii dheef shiidayeen soo
raacaan waxa ay inta badan dhaawac u
gaysataa ilkaha, halkaana waxa ka
muuqanaysa in dadka Gastritis ka ah ama
Gaastariga qaba ay u nugul yihiin inta badan qaybtani aan ka sheekeynayno
hadda waayo matagga faraha badan
awgiis, waxa intaa sii raaca Acida la
socota Cuntada aynu cunno ee ay ka mid
yihiin Liinta, Coca, Soda iyo maaddada la
yidhaa Khamriga ciddii cabta kollay innagu Muslin ayaan nahay laakiin
xannuunkani aan ka sheekaynayno ayay
ku jirtaa.
Atrision: Waa dhaawac la mid ah kii aan
kor ku sheegaynay laakiin wax gaar ah
ayaa keena midkaan inkasta oo ay lammaane isku yihiin labadooda halkii
midka hore ahaa Chemical midkani waa
Mechanical waxana sababa: Jiriqsiga ama
iliga sare oo kan ku beegan ee ka
hooseeya xoqa inta badan waxan
aragnaa dad ilkaha isku xoqa oo ka sanqadhiya taasina waxa ay keentaa in
ilkii dabcaan markastana qaybi uga jabto
si aan la dareemaynin iliggii markaa
sidaa waa ku dhaawacmaa Bacteria-
diina waa u furmaa si fudud ayaanu
suusku u galaa. inta badan Suuska noocani ahi iligga Caaradiisa ayuu galaa.
Eosion: Waa Nooc la mid ah Atrisionka
laakiin Waxa uu ka dhashaa midkani
Xoqniinka badan ee ilkaha guudkooda
sida adiga oo Brushka ama cadayga aad
ugu xoqa ilkaha ama ku cadaya Dhuxul, Danbas iyo wixii iligga u gaysanaaya
dhaawac oo dhan sida in la caadaysto in
khasab ilkaha wax lagaga gooyo.
3. Trauma: Waa dhaawac wayn ee
gaadha iligga kani waa mid muuqda sida
Jabniin ku yimaada iligga, taasi oo uu iliggu u jabi karo siyaabo kala duwan
Bacteria-diina u banaynaysa albaaka.
4. Calaamado ama ilko aan
dhamaystirnayn markooda horeba ama
ha ahaadaan hidde ahaan , ama xannuun.
Intaas waa wixii keenaayay suuska kuwoodii ugu muhiim sanaa.
Daaweeyn la hubo muddo yarna
qaadaneysa ayaan u diyaarinay dadka uu
haleelo xanuunka suuska loo yaqaan.
Inshaa allaah kaga bogso mudo kooban
dhamaan xanuunada afka ku dhaco iyo gaar ahaan ba xanuunka suuska loo
yaqaano. Nala soo xiriir hadii aad isku
aragto xanuun afka ah si aan kuu
caawino una hesho daryeel caafimaad oo
dhaxal gal ah inshaa allaah.

SOKOROWGA

Cudurka Sonkorowga (diabetes)
Cudurka sonkorowga ayay dad
badan oo
dunida guudkeeda ku nooli ka
sheeganayaan, waayadan
danbena tirada soomaalida sonkorta qabta ayaa
sii
kordheysa sanadba sanadka ka
danbeya. Fikrada ay dad badani
ka heystaan waxa
uu yahay cudurka sonkorowga ayaad moodaa in ay wax badani ka
qaldan
yihiin, hadaba qoraalkeygan
ayaan
doonayaa in aan wax kaga iraahdo waxa
uu yahay cudurka sonkorowgu, waxa keena, inta qeybood oo uu u qeybsamo,Calaamdaha uu caanka
ku
yahay iyo waxyaabo kale oo badan,
waxaana isku dayi doonaa in aan
usoo bandhigo si fudud oo qof waliba u
fahmi
karo. Cudurka sonkorowga ayaa ka
dhasha
khalal ku yimaada qaabka uu
jirku u burburiyo ama u sameysto
nafaqooyinka
uu u baahan yahay ( Metabolic disorder)
taas oo ugu danbeyntii sababta in
xadiga
sonkorta ee dhiiga la socdaa kor u kaco (hyperglycemia) ama hoos u
dhaco (hypoglycemia) kor u kacaas ama
hoos u
dhacaas oo ku xiran hadba nooca
khalalka ah ee jirka ku
dhaca, waxaana uga hadli doonaa si faahfaahsan.
Sonkorta ayaa ah isha ugu
wanaagsan ee
uu jirka aadanuhu tamarta ka
sameysto,
waxaa jira noocyo fara badan oo sonkor ah balse mida ugu badan oo uu
jirku
isticmaalaa waa mida loo yaqaan
kuluukoos (glucose), xubnaha
isticmaala sonkorta ugu badan
ayaa waxa ka mid ah 1) Maskaxda 2) Murugyada 3)
Habdhiska
lafaha (skeleton system) iyo
xubna kale
oo muhiim ah, xadiga caadiga ah
ee sonkor ah oo dhiiga qofka caafimaadka
qaba la socda ayaa ah 80 ilaa 110
milligram oo sonkor ah 100-kii
mililitir oo
dhiig ahba (80-110mg/dl). Maalin walba
waxaan isticmaalnaa xadi sonkor ah oo badan, hadaba
suaasha
meesha taal ayaa ah xagee ayay
aaday
sonkortii badneyd ee aan isticmaalnay?
maxaase maamula in aysan sonkorta
qofka aan cudurka sonkorowga
qabani xadigeedii caadiga ahaa
aysan ka badan ?. waxaynu wada
ognahay
in falgal kasta iyo shaqo kasta oo jirka
aadanaha
ka dhaca uu RABI ugu talagalay
qaab loo maamulo, hadaba isticmaalka,
keydinta,
iyo sameysiga sonkorta ee jirka waxaa maamula laba hormoon oo
laga soo
daayo unugyada ganaca (pancreas cells)
kuwaas oo kala ah 1) Insulin oo
laga soo
daayo unugyada ganaca ee loo yaqaan
Beta cells. 2) Kuluukagon (glucagon) oo
isna laga soo daayo Unugyada loo
yaqaan Alpha cells ee Ganaca.
Shaqooyinka ay qabtaan labadan
hormoon ayaa ah kuwa liddi isku ah waayo hormoonka insulin waxa
uu hoos u
dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga
la
socota marka ay dhaafto
xadigeedii caadiga ahaa, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah sidee
buu hormoonkani
hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee
dhiiga?
Mar alaale iyo markii ay sonkorta dhiigu
(blood glucose level) dhaafto xadigii
caadiga ahaa ayaa waxaa la
carriyaa
unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta
cells in ay soo daayaan
hormoonka insulin kaas oo durbadiiba qabta ama
fududeya
shaqooyinkan soo socda. 1)- In ay
unugyo badan (cells), nudayaal (tissues),
xubna
badan (organs) oo jirka ka mid ahi
sonkorta ka nuugaan dhiiga . 2)-
In sonkor badan (glucose) si deg- deg ah
loogu bedelo tamar geydsan
(glycogen),
taas oo uu jirku dib u isticmaalo xiliyada
gaajada amaba xiliyada ay sonkorta
dhiigu ay hoos u kacdo. 3- In hoos
loo
dhigo burburinta
Kaarboonhaydarayada (cuntooyinka sonkorta leh sida
Macmacaanada,Bariiska, Baastada
iyo
IWM) si aan sonkor badan oo kale
jirka
loogu soo darin. Intaas oo shaqo ah marka uu hormoonka insuliinku
qabto
ayaa waxaa dhacda in sonkortii
dhiiga la socotay ay ku soo
noqoto xadigeedii
caadiga ahaa, unugyada ganacuna hakiyaan soodeyntii hormoonka
Insuliinka. Hadaba khalal ku
yimaada soo deynta
hormoonka insuliinka amaba
carqaladeyn ku timaada hanaanka
shaqadiisa ayaa
waxay sababtaa sonkorta dhiiga
oo kor u
kacda (hyperglycemia) ama hoos
u dhacda (Hypoglycemia) taas oo
inta badan aasaas u ah waxa loo yaqaan
cudurka sonkorowga (Diabetes
mellitus). Mar hadii ay shaqada
insuliinku sidaa tahay waa maxay
shaqada
hormoonka kuluukagon (glucugon)? Xiliga uu
qofku
gaajeysan yahay amaba uusan
qaadan wax cunto ah oo sonkor leh ayaa
waxaa
hoos u dhaca sonkorta dhiiga, marka si sonkorta loogu soo
celiyo xadigeedii
caadiga ahaa ayaa waxaa la cariyaa
unugyada ganaca ee loo yaqaan
Alpha
cells kuwaas oo bilaaba in ay soo daayaan
hormoonka kuulukagon, islamarkiiba
hormoonkani waxa uu qabtaa
howlahan. 1)- sonkortii
keydsaneyd (glycogen) ee
jirka ayuu u bedelaa sonkorta loo yaqaan kuluukoos (glucose) taas oo
keenta in
sonkortii dhiiga la socotay kor u
kacdo
ilaa ay ka gaadho xadigii caadiga
ahaa. 2)- Waxa uu cariyaa in Duxda (lipids) iyo borotiinkii (proteins)
loo bedelo sonkor
(glucose) taasina waxa ay
dhacdaa xiliga
macaluusha ama gaajada siyaadada ah
waqtigaas oo sonkortii keydsaneyd ee
jirka loo isticmaalay tamar ahaan,
u
bedelida duxda iyo borotiinka loo
bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay
kor u qaadaa sonkortii dhiiga ee hoos u
dhacday. Mar
hadii ay sonkortii dhiigu (blood
Glucose level) ay ku soo noqoto
xadigeedii
caadiga ahaa unugyada Alpha cells ee
ganacu waxay ay hakiyaan soo
deyntii hormoonka kuulukogon
(glucugon). Intaas hadii aan ku dhaafno
qaabka loo
xakameyosonkorta jirka qofka caafimaad
qaba, aan u soo noqono maxaa
keena in
sonkorta qofka cudurka sonkorta qabaa
ay inta badan ka sareyso
xadigeedii caadiga ahaa ee loo baahnaa in
uu dhiiga la socdo. Maxaa sababa
cudurka sonkorowga (diabetes mellitus).
Sidii aan hore
u soo sheegnay sonkorta
jirka ayaa waxaa xakameya oo ku ilaaliya
inaysan dhaafin ama hoos uga
dhicin xadigeedii caadiga ahaa
hormoonada
kala ah Insuliin iyo kulukogon
(glucogon), hadaba khalal ku yimaada
sameynta, soodeynta, iyo hanaanka
shaqada ee
hormoonadan ayaa aasaasi u ah
cudurka
sonkorowga, khalaalkaasi waxa uu ahaan
karaa. 1. howl gab ku yimaada unugyada
ganaca
ee loo yaqaan beta cells kuwaas
oo soo
daaya hormoonka insuliinka, howl
gabkaas oo sababa in aan wax insulin ah
aan la soo deyn ka dibna sonkortii
jirka
ay kor u kacdo maadama uusan
jirin hormoonkii xakameyn lahaa, sonkorowga noocan oo kale ah ayaa
waxaa
loo yaqaan
Nooca kowaad ee cudurka
sonkorowga
( Type I diabetes) 2.
unugyada jirka ee u qeybsan
in ay qaabilaan (receptor cells)
hormoonka insuliinka oo
howshoodii
qaabilitaanku hoos u dhacdo, sababana
carqaladeyn ku timaado howshii
hormoonka insuliinka , taas oo keenta
xadigii sonkorta dhiiga oo
kor u kacda ,
sonkorowga noocan oo kale ah ayaa
waxaa loo yaqaan Nooca labaad
ee cudurka sonkorowga (Type II
diabetes),
sonkorowga noocan oo kale ah
ayaa inta badan ka sahlan midkii aan hore u
soo sheegnay inta badana ku dhaca
dadka
da’doodu ka weyn tahay Afartan
jir iyo
dadka aadka u buurbuuran (Obesity)
ogow in cudurka sonkorowgu uu
ka mid yahay cudarada la is
dhaxal siiyo
oo lagu qaado hidaha. Calaamadaha uu
caanka ku yahay cudurka sonkorowgu.
Calaamadaha in badan lagu arko
bukaha
sonkorowga qaba ayaa waxaa ka
mid ah. · Kaadi macaan (glucosuria) ·
Kaadi badan oo xadhaaf, qofka oo labadii
saacba mar
kaadsha (Polyuria) · Haraad fara
badan (Polydipsia) · Gaajo fara badan
(ployphagia) · Miisaanka qofka oo
hoos u dhaca ( weight loss) · Hamiga
galmada ee
raga oo hoos u dhaca (impotence) · Daal
(fatigue) · Qaleyl ama cuncun jirka
ah
( dry or itchy skin) · Aragtida oo shucaac
ama ciiro gasho (blurry vision) · Afka oo
qalala (dry mounth).
Marka walaal waxaan u heynaa
noocyada sokorowga daaweeyn la hubo
waxtar keeda inshaa allaah.

BAABASIIRKA

Cudurka baaba siirka waa cudur aad uga
dhex jira bulshadena. Cudurkani waa
cudur si fudud ku faafa islama markaana
dhibaatoyin badan ku keena dadka uu
haleelo. Cudurkani wuxuu sababi karaa
xanuuno badan wuxuna awood u leyahay inuu burburiyo difaaca jirka. Cudurkana
waa cudur muddo gaaban wada
saameyn kara jirka qofka uu haleelo oo
dhan. Sababta ayaa ah in cudurkani dago
marka hore ba xubnaha aasaaska u ah
banii aadamka. Sida xubnaha taranka dheef shiidka nervious system ka iyo
waliba isago marka dambena saameeya
neef mareenka. Sidoo kale wuxuu
cudurkani saameeyaa kilyaha iyo kaadi
mareenka. Calaamadaha lagu garto
cudurkaan ayaa ah sida tan. 1. Daal fara badan
2.madax xanuun
3.caajis fara badan
4.dhabar xanuun
5.gaas joogta ah
6.infection 7.aragtida indhaha oo yaraato.
8. Wareer
9.dhalmada oo hakad ku yimaado dumar
iyo ragba respectively.
10.caado wareer dumarka
11.tabar yarida raganimada. 12. Xanuun kaa haleela dhinac ama bar
bar dhan oo is wata. Sida lug sinta wad
ilaa madaxa la gaaro.
13.Muruq aan bixin oo joogta ah.
Marka xanuunkan waa xanuunka ugu
sameynta badan xanuunada gurguurta ee qofka la socon kara muddo dheer.
Daaweyn la hubo wax tarkeeda ayaa
jirta oo cudurkani lagu daaweeyo inshaa
allaah caafimaad deg deg ahna aad ka
heli doonto. La soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website ka daawada hadii aad dareento xanuun kan si wax badan
lagaga caawiyo.

Saturday 15 October 2011

BAABASIIRKA

walaal waxaan halkaan idiin kugu soo
gudbineynaa warbixin ku saabsan
cudurka baabasiirka. Cudurka
baabasiirka waa cudur jira soona jiri
jirey waqtiyo aad u fog. Cudurka
baabasiirka waa cudur gur guurta isla markaana aheyn cudurka qabatinkiisa
ama waxyeela diisa deg deg tahay
laakiin waa cudur halis ah isla markaana
qatar gelin kara hab nololeedka qofka
qaba cudurkani. Calaamadaha lagu garto
cudurkani waxaa ka mida 1: daal fara badan: daal la dareemayo
marka qofka ku dhex jiro shaqadiisa ama
socodka iyo guud ahaan daal fara badan.
2: caajis badan: caajis saameeya qofka
inta badan noloshiisa gaar ahaan
waqtiyada qofka hurdada ka toosayo. 3: madax xanuun: madaxa oo ku xanuuna
sida maskaxda oo kale mar mar ama si
joogta ah ba.
4: dareenka jinsiga oo hoos u dhac ku
yimaado: ragga iyo dumarka ba waa ay
saameysaa arrintani ragga ayaa se sii daran.
5: muruq joogta ah ama mar mar ah.
Muruq 2 da garbood kaaga taagan ilaa
qoorta xabadka oo xanuun laga dareemo.
6: xubnaha taranka ragga sida xiniinyaha
iyo xubinka taranka oo yaraada ama 1 xiniin ama 2 da ba oo yaraada.
7: miskaha iyo wareega dhabarka
kilyaha oo xanuuna.
8:gaas oo inta badan kula dersa ama aad
dareento mararka qaarkood.
9: hoos u dhac guud ahaan jirka ah adiga oo maleynaya in hoos laguu jiqayo.
10: murqo xanuun: murqaha jirka oo ku
xanuuna inta badan ama mar mar ah.
11:calool fadhi: caloosha oo aan socod
laheyn oo aadan suuliga tageynin inta
badan calooshaada oo aan waxbo ka imaanin.
12: hilmaan fara badan oo aadan lahaan
jirin: adigoo si fudud wax kastaa ku
hilmaamaya.
13:wahsi badan.
14: ragga oo iyagu durba biya baxa marka isku tagga ragga iyo dumarka.
15: dulqaad yari.
16: cun cun salka hoose.
17: aragtida indhaha oo yaraata indhaha
oo caad fuulo aakhirka na gaara ilaa heer
indho fiiq. 18:infection. Infection mar mar joogta ah
sida dhanka kaadi mareenka.
19: hamiga damaca jinsiga oo yaraada
ama meeshaba ka baxa mararka
qaarkood.
20: dhalmo la aan. Dhalmada oo hakad ku yimaada ama la waayaba dumar iyo
ragba.
21: saxrada oo dhiig la socda mararka
qaarkood dhiig yar oo saxarada dhinac ka
heysta.
Marka yuu ku dhici karaa cudurkaan saameyntiisu badan tahay?
Qofkasta ayuu ku dhici karaa cudurkaan
rag iyo dumar qof weyn iyo qof yar ba.
Saameynta cudurkaan waxey qaadataa
mudo dheer oo gaareysa sanado in uu
fahmo qofka cudurkani marka laga reebo astaamo dhowr ah oo qofka ku fahmi
karo si dhaqsa ah in cudurkani la dersay.
Waxaana ka mida.
1: calool fadhi. Caloosha oo aan ku socon
ama xaaladeedii wax iska bedelaan
dhanka saxarada. 2: tabar yari xagga raganimada ah
3: daal fara badan.
4: caajis badan.
5:cun cun salka ah ama kuus kuus yar yar
ah oo salka hoose meesha saxarada ka
soo baxa 6: saxarada ooo dhiig la socdo.
Calaamadahaan iyo kuwo kaloo ka badan
waxaa leh cudurka baabasiirka.
Cudurkani mala kala qaadaa?
Haa cudurkani waa la kala qaadaa
waana cudur la iska dhaxlo oo hadii 2 daada waalid ama midkood qabey waa
kugu dhalayaan.
Cudurkaani ma sababi karaa cuduro kale?
Haa cudurkaani wuxuu sababi karaa
cuduro badan waxaana ka mida
1: cudurka dhiig karka 2:cudurada ku dhaca dheefshiidka.
3:sanboorka
4: gaas
5:dhagax yada kilyaha ku sameysma
6: dhiig la aan ama aneemiya.
Cudurkaani daawo maleeyahay? Haa cudurkaani daawo waa leeyahay
inshaa allaahu tacaalaa cudurkaan
daawadiisa waxaa la qaataa muddo 2
bilood ah dawooyin afka laga qaato
kaliya ayaa na wax ka tari karo oo baa bi
in kara. daawooyiin la hubo wax tarkooda iyo talo iyo tusaaleyn badan
kala soo xiriir dhaqaatiirta page kan ka
howl gasha. Inshaa allaah dhaqaatiirta
ayaa kaa saacidi doontaa habka ugu
haboon iyo qaabka ugu wanaagsan ee
aad daawooyinka ku isticmaaleyso iyo sida ugu wanaagsan ee daawooyinka
laguugu soo gaarsiinayo. Dal iyo dibad ba
waxaad nagala soo xiirii kartaan
telfoonada iyo cinwaanada kor ku xusan.
Dadka ku sugan dibada ka baxsan kenya
daawooyinka waxaan ku gaarsiinaa qaabka postada loo yaqaano. Inshaa
allaah ku soo dhawaaada amaano iyo
adeeg nadiif ah. Mahad sanidiin.

YIRIDKA

dhamaan saaxiibadeena qaaliga ahow
maanta waxaan halkaan idiin kugu soo
gudbinayaa warbixin gaaban oo ku
saabsan xanuunka yiridka loo yaqaano.
yiridka waxaa loo yaqaanaa ( Gingivits)
waa xanuun ka bilowda afka kadibna wuxuu saameeya ciridka ilkaha
quumanka dhuunta hunguriga tuubada
dheer ee hunguriga caloosha ugu
dambeyntana wuxuu saameeyaa beerka.
Noolaha sababa infection ka iyo
xanuunka loo yaqaano ( Gingivits) waa nooc kamida waxa loo yaqaaano fungi
ama ( fungus) waxaa jirta bacteria
qaabilsan ka ilaalinta fungiga inuu u
gudbo afka iyo gudaha jirkaba dhowr
arrin sababteed ayaa waxaa dhacda in
bacteria daasi meesha ka baxdo sida marka qofka qaato dawooyinka
antibiotics ka ama hoos u dhac ku
yimaada nidaamka difaaca jirka banii
aadamka ha noqoto sabab cudur ama mid
nafaqo la aaneed ba marka bacteria
daasi meesha ka baxdo noolahani waxaa u suurta gasha in uu si fudud ku galo afka
halkaana ay ka bilaabato waxyeeladiisa
infection ka.
Calaamadaha lagu garto xanuunkan
waxaa ka mida.
1:gowsaha oo madoo baada 2:ciridka oo dhiiga sida marka qofka
ilkaha cadeysanayo.
3:ilkaha iyo gawsaha oo jilca lig ligasho.
4:wax cad ama jaalle ah oo carabka kaa
fuula lana moodo huuro mana aha.
5:dhaawac kaa saameeya ciridka quumanka ilaa dhuunta.
6: af ur afka oo laga dareemo riix aan
wanaagsaneyn.
7:laqidda oo ku dhibta marka aad wax
cuneyso.
8: gaas aad dareento mar mar 9: muruq. Garbaha hoostooda ah
10: xabad xanuun. xabadka oo ku
xanuuna
hadaba xanuunkan yuu ku dhici karaa?
Xanuun kan wuxuu ku dhici karaa
qofkasta oo ay u soo baxeen ilkaha dambe ee soo baxa marka ay dhacaan
ilka caanoodka rag iyo dumar qof weyn
iyo mid yar ba.
Xanuun kan sidoo kale wuxuu ku dhici
karaa dadka qaba ama ku imaan karaa
dadka qaba xanuunadan soo socda. 1: cudurka sokorowga
2: cudurka baabasiirka
3: gooryaanada. Dadka qaba
gooryaanada qaarkood
4: dadka uu ku dhaco cudurada difaaca
jirka hoos u dhiga sida ( HIV ) ga iyo cancer ka.
Xanuun kan maleeyahy daaweeyn?
Haa inshaa allaah xanuun kan daawo la
hubo wax tarkeeda ayuu leeyahay
daawada xanuun kan waxaa la qaataa
muddo bil ah 30 maalmood. Waxaana laga qaataa afka.
Daawada waxey sameynaysaa marka
hore.
1: iney nadiifiso afka guud ahaan
2: iney baabi iso dhaawaca afka dhan.
3: waxey joojiney saa ciridka oo dhiiga 4: waxey adkeynay saa ilkaha dhamaan
5: waxey ka baabi ineysaa ilkaha madow
gii ku dhashay.
6: waxey ilkaha ka soo dhiseysaa salka
hoose ee ciridka.
7: gebi ahaan ba waxey ka taqaluseysaa noolaha sababey xanuunkan.
8: waxey nafaqeynaysaa ilkaha oo
daawada waxaa ku jirta maadada
(calcium) ka oo iyadu xoojisa lafaha guud
ahaan. Sidoo kale daawada waxaa ku
jira vitamin c oo xanuunada ilkaha iyo ciridka ba wax badan ka caawiya iyo
guud ahaan ba jirka oo dhan.
Daawada malaha wax dhibaato ah oo
lagala kulmayo isticmaalkeeda waxaad
isticmaali kartaa adiga oo wadanaya
howlahaaga shaqo cuntooyinkaagii caadiga ahaa dhamaan. kaliya waxaa
lagaa reebayaa mudadaasi bisha ah ee
aad daawada qaadaneyso inaad
sameyso ( xirriir jinsiyeed ) tani waxey
caawineysaa habsami u shaqeynta
daawada Daawada waxaa la diyaarinayaa marka
lagaa helo dhamaan wixii war bixin ku
saabsan xaaladahaaga caafimaad sida.
1:da daada
2: xanuunka aad dareemayso.
3: xanuuno kale hadii ay jiraan adiga iyo waalid kaaga xanuunada ay qabi karaan.
4: daawooyinka iyo cuntada wixii aad
allergy ku tahay.
5: iyo inta waqti ah ee xanuun kan ku
hayey.
6: iyo inta sano ee aad jirto iyo miisaan kaada inta uu yahay.
Dhamaan arrimahan ogaansha hooda
waxey qeyb weyn ka qaadanayaan in
laguu diyaariyo daawo safe ah kuna
haboon xanuun kaada inshaa allaah.
Sidoo kale intaad daawooyin ka isticmaaleyso waxaa lagaa reebayaa
wixii kuu daran iyo wixii daawada u
daran ba.
Inshaa allaah si laguu caawiyo wax
badana aad u ogaato la soo xiriir
dhaqaatiirta page kan ka howl gasha. Waxaan kuu ballan qaadeynaa inshaa
allaah adeeg nadiif ah iyo amaano.
Daawada waxaa laguu gu soo gaarsiin
karaa qaabab badan oo ay ka mid tahay
boostada (post) (D.H.L) PARCELS meel
kastoo aad joogto. ( EEG PEGE KA NALA SOO XIRIIR ) Mahad sanidiin.

AF QURUN

Af-qurunka ama waxa loo yaqaanno
"Halitosis" waa xaalad qofku ka soo
saarayo afkiisa hawo uraysa, taasoo ka
duwan af-urka subaxii lala soo tooso,
kaasoo ku baab'a nadiifinta ilkaha. Af-
qurunka ma laha wax xuduud ah, umana kala soocno dadka da'dooda,
noocooda iyo xaaladooda iyo
dhaqaalaba,
intaa waxaa sii dheer in af-qurunku u
keeno qofka niyad jab aad u daran
taasoo keenaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa uusan u
sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta.
Badanaa niyad jabkaan waxay ka
dhalata in dadka qaba af-qurunka aysan
dareemi karin dhibaatada haysata illaa
ay ka ogaadaan dad kale. kadibne ay keenayso in ay ka go'aan bulshahda
kana doorbidaan kalinimada.
Maxaa keeno af-qurunka?
Waxaa loo kala qaadaa sababha keeno
af-qurunka laba qeybood oo kala ah:
1: Caafimaad darro ka baxsan ilkaha. 2:Infekshan ama caabuq ku dhaca
jeebabka sanka iyo afka u dhaxeeyo
(Sinusitis) ama qalad ka jira qaab-
dhismeedka lafta oo qofku ku dhashay.
- Qooman
- Sanbabada oo qofku ka jiranyahay (khaas ahaan cudurrada malax-samayska
ee sanbabada "suppurative lung
diseases)
- Hawlgabka kilyaha (qashinkii kilyaha
jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo
soo saaro sida kaadida "urea") - Hawlgabka beerka (qashinkii beerka
jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo
soo saaro)
- Cudurada ku dhaca dhiigga
- Sonkorowga
- Xamiitada oo jirata - Kaankaro - Cillad dheefshiid
- Cunnooyinka qaar Caafimaad darro ka
timid ilkaha - Bolol ilkaha ah
- Ciridka oo jirran
- Infekshan ilkaha ah ama carun
- Kaankarada ilkaha ah - Af-qaleelka (daawooyinka iyo
cudurrada qaar ayaa keeno af-qaleelka) -
Daawooyinka sanka lagu dhibciyo
- Xasaasiyada cabburka keento
- Bakteeriyda hawo la'aanta oo ku
badato afka ama sanka. 90% oo ka mid ah waxyaabaha keeno
af-qurunka waxay ka timaadaa
bakteeriyada qurmiska oo afka ku korto,
taasoo ka dhalata cudurrada aan kor ku
soo xusnay.
Daaweeyn la hubo wax tarkeeda kuna siman muddo 45 maalmood ah kala soo
xiriir dhaqaatiirta page kan ka howl
gasha. Mahad sanidiin

OOF WAREEN PNEUMONIA

Marka aad cudur sanbab qabtid,
kiishashka hawada ee sanbabada ayaa
waxaa ka buuxsama jeermis ama xab.
Cudurka sanbabka waxaa keena
bakteeriyo, fayras ama kiimiko. Badanaa
qofna qof kale uma gudbiyo. Calaamadaha cudurka sanbabka
(Pneumonia) • U neefsashada si ka
dhakhsa badan
sida caadiga ah ama dhibaato
neefsashada qofka kaga timaadda
• Laab xanuun marka la neefsanayo ama la qufacayo
• Qufac xab leh oo laga yaabo inuu yahay
jaalle, cagaar ama midab daxal/mirir
• Qandho
• Qar-qaryo ama gariirid
• Dhididid • Faruuryaha ama ciddyaha oo buluug
noqda (cyanosis)
Talooyinka la gudboon qofka xanuunkan
qaba.
• Wixii xab ah ee aad soo qufacdo Ha
liqin. • Badanaaba naso.
• Cab 8 koob ama ka badan oo
cabitaanno ah maalin walba.
• Cunto caafimaad leh cun. • Sigaar ha
cabin.
Hadii aad isku aragto xaalad deg deg ah sida haddii: • Ay dhibaato kaaga
timaaddo
neefsashada
• Aad isku aragto qandho ama
qandhadaadu ay jireyso wax ka badan
1-2 maalmood • Aad isku aragto jahawareer • Aad isku
aragto feero xanuun kugu soo
kordhaya
• Aad isku aragto lalabbo ama matagid
Iyo dhamaan ba xanuunkan oof wareen
ka ah wax ka mida calaamadihiisa si deg deg ah noola soo xiriir si aan kuu
caawino.
Daawada xanuun kan waxaa la qaataa
muddo 20 beri ah inshaa allaah waxaan
kuu heynaa daawo la hubo wax tarkeeda
dhibaata na laheyn. kala soo xariir dhaqaatiirta ka howl
gasha webkaan daawooyin wax
tarkooda la hubo talo iyo tusaale
caafimaad amaano iyo adeeg nadiif ah
mahad sanidiin.